Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 06/07/2022 Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu uga socda Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD kulankii 39-aad ee aan caadiga ahayn, kaas oo shalay furmay.Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa Maalintii Koowaad ee shalay looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka hareeyay gobbolka, sida colaadaha iyo abaaraha ka jira inta badan wadamada IGAD.Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay madaxda IGAD inay ka wada shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.Madaxweynahu waxa uu sheegay in ay ka mid yihiin caqabadaha, xagjirnimada gacan ka hadalka ah, abaaraha iyo colaadaha hubaysan ee u baahan in madaxda IGAD ay si degdeg ah wax uga qabtaan.Waxaa la filayaa in geba-gabada shirka ay Madaxda dalalka IGAD shirkooda kasoo saaraan Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen. Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar dad lagu dilay oo markale ka dhacay Mareykanka next post Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho You may also like Mooshin laga gudbiyay Qoondada Haweenka ay ku leeyihiin Baarlamaanka Federalka 21/06/2020 Laamaha Amniga oo soo bandhigay haweeney ku eedeysan dilka Wiil uu dhalay Ninkeeda 14/05/2023 DHAGEYSO:WARKA HABEEN IDAACADA WARSANRADIO 2-11-2016 02/11/2016 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 27/08/2021 Madaxweyne Deni oo Magacaabay xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka 30/08/2020 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 15/02/2018 Dadka u dhimanaya Covid 19 oo sii kordhaya dalka Soomaaliya 14/03/2021 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 01/06/2021 Taliyaha Xoogga Dalka oo beeniyay in kolonyadiisa ay jireen dad rayid ah 04/04/2021 Axmed Madoobe oo soo gaaray magaalada Muqdisho 20/05/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.