Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 06/07/2022 Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu uga socda Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD kulankii 39-aad ee aan caadiga ahayn, kaas oo shalay furmay.Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa Maalintii Koowaad ee shalay looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka hareeyay gobbolka, sida colaadaha iyo abaaraha ka jira inta badan wadamada IGAD.Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay madaxda IGAD inay ka wada shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.Madaxweynahu waxa uu sheegay in ay ka mid yihiin caqabadaha, xagjirnimada gacan ka hadalka ah, abaaraha iyo colaadaha hubaysan ee u baahan in madaxda IGAD ay si degdeg ah wax uga qabtaan.Waxaa la filayaa in geba-gabada shirka ay Madaxda dalalka IGAD shirkooda kasoo saaraan Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen. Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar dad lagu dilay oo markale ka dhacay Mareykanka next post Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho You may also like Dhageyo:-Barnaamijka Kulanka Warsan 27/06/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 18/05/2021 Aqalka Sare oo dalbaday kulan deg deg ah oo dhexmaray Madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada 10/06/2020 laftagareen oo AMISOM u gudbiyey qorsho ka dhan ah Al-Shabaab. 01/03/2020 Madaxweyne Farmaajo: Waxaa naga go’an in wadahadal maan furan oo miro dhal lagu xalliyo tabashada Soomaaliland 15/06/2020 Midowga Yurub oo saaray Bayaan ka digaya Muddo Kororsi iyo Is barbar yaac 09/02/2021 Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Miisaaniyadda 2024 oo ka badan Hal Bilyan oo Dollar 28/10/2023 Tirada dadka ku dhintay weerarka ka dhacay afaafka hore ee Isbitaalka Al-Shifa oo korodhay 04/11/2023 Sucuudiga oo mar kale soo riday diyaarad drone ay Xuutiyiinta leeyihiin 09/02/2021 DHAGEYSO:-WARAYSI XIISO BADAN AAY LAYEESHAY NUUR QAASIM OO AH AQOONYAHAN REER KOONFUR GALBEED AH 22/07/2016 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.