Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa written by Warsan Radio 06/07/2022 Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu uga socda Madaxweynayeyaasha iyo wakiilada qaar kamid ah waddamada Urur Gobboleedka IGAD kulankii 39-aad ee aan caadiga ahayn, kaas oo shalay furmay.Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa Maalintii Koowaad ee shalay looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka hareeyay gobbolka, sida colaadaha iyo abaaraha ka jira inta badan wadamada IGAD.Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay madaxda IGAD inay ka wada shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.Madaxweynahu waxa uu sheegay in ay ka mid yihiin caqabadaha, xagjirnimada gacan ka hadalka ah, abaaraha iyo colaadaha hubaysan ee u baahan in madaxda IGAD ay si degdeg ah wax uga qabtaan.Waxaa la filayaa in geba-gabada shirka ay Madaxda dalalka IGAD shirkooda kasoo saaraan Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen. Shirka dalalka IGAD oo Maalintii labaad galay & Soomaaliya oo ka qeyb galeysa was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar dad lagu dilay oo markale ka dhacay Mareykanka next post Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho You may also like Tobanaan sano kadib labadii dal ee igu horeysay oo carbeed oo heshiis la saxiixday Israel 16/09/2020 Ukraine oo Shaaciyay in Gargaar ay u soo dirayso Soomaaliya 07/09/2022 Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan degdeg ah ugu yeeray Hay’adaha Amniga 28/11/2020 Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray magaalada London 28/07/2021 Shir u furmaya madaxda maamul goboleedyadda dalka iyo dowlada dhexe oo Muqdisho ka furmaya 10/09/2022 Africom oo War kasoo saartay dagaalka Boosaaso 23/12/2021 Kenya oo soo bandhigtay Tirada dadka ku dhintay Weeraradii Alshabaab ee 2019 06/02/2020 Dhageyso+Sawiro:-Dood ku saabsan sida gudigga xalinta khilaafaadka KGS ay u shaqeeyaan. 18/04/2020 DHAGEYSO:-Barnaamijka Kulanka Warsan 26/03/2020 Dhageyo+Sawiro:-Shaqo joojinta ay sameeyeen wariyayaasha Koofur Galbeed 03/06/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.