Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab written by Warsan Radio 05/08/2022 Wasiirka Warfaafinta Dawlad Goboleedka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka hadlay Ciidamada faraha badan oo Somaliland ay soo dhoobtay degmada Boocame ee Gobolka Sool iyo xiisada ka taagan halkaas.Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo martay dhibaatooyin ay iyaga dhexdooda isku geysteen, balse aan laga faa’iidiin wax aan aheyn khasaaro.Sidoo kale wuxuu sheegay in xilligaan nasiib darro tahay in Maamul Soomaaliyeed uu usoo hub qaatay in uu dhibaateeyo dad kale, iyada oo lagu guda jiro waqti abaaro, isaga oo maamulka Somaaliland ku eedeeyey in ay weerar ku yihiin dhulka Puntland ayna gacan siinayaan Dagaalyahanada Al-Shabaab .Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Somaliland markasta oo Ciidamada Puntland ay bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka Barbara furaan Ciidamada Puntland furin kale, iyaga u hiilinaya Al-Shabaab, isaga oo Madaxda Somaliland ugu baaqay inay ka laabtaan dhaq dhaqaaqyada Ciidan oo ay ka wadaan Gobolka Sanaag.War kaan kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli shalay Somaliland ay geeysay Ciidamo farabadan degmadw Boocame, xilli Aaga degmadaas ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin & Ciidamo katirsan Puntland. Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab was last modified: August 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan next post Wararkii ugu dambeeyay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Beledweyne You may also like Wasiirka difaaca Taliyaaniga oo soo gaaray Muqdisho (Sawiro) 24/03/2021 Hoggaamiyihii kooxda Boko Xaraam oo geeriyooday 07/06/2021 Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Wasiirka difaaca UK 27/01/2021 Golaha Wasiirada Puntland oo Maanta kulan yeeshay & Qodobada looga hadlay 05/10/2023 Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay war NISA ay ka qoreen wargeysyada the Standard iyo star Kenya 18/04/2020 Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa 13/03/2022 Booliska oo shaaciyay in la qabtay Ragii watay Gaari Maanta ku Qaraxy Muqdisho 02/09/2023 Dhageeyso ;-Barnaamijka Tartan aqooneedka Caawa waxaa tartamaya Haabara A iyo wada jir B 12/06/2017 Dadka ka bogsaday Corona virus ee Soomaaliya oo gaartay 559 13/06/2020 Golaha Xukuumadda oo meel marisay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda diiwaan-galinta iyo aqoonsiga dadweynaha “Sawirro” 10/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.