Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab written by Warsan Radio 05/08/2022 Wasiirka Warfaafinta Dawlad Goboleedka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka hadlay Ciidamada faraha badan oo Somaliland ay soo dhoobtay degmada Boocame ee Gobolka Sool iyo xiisada ka taagan halkaas.Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo martay dhibaatooyin ay iyaga dhexdooda isku geysteen, balse aan laga faa’iidiin wax aan aheyn khasaaro.Sidoo kale wuxuu sheegay in xilligaan nasiib darro tahay in Maamul Soomaaliyeed uu usoo hub qaatay in uu dhibaateeyo dad kale, iyada oo lagu guda jiro waqti abaaro, isaga oo maamulka Somaaliland ku eedeeyey in ay weerar ku yihiin dhulka Puntland ayna gacan siinayaan Dagaalyahanada Al-Shabaab .Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Somaliland markasta oo Ciidamada Puntland ay bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka Barbara furaan Ciidamada Puntland furin kale, iyaga u hiilinaya Al-Shabaab, isaga oo Madaxda Somaliland ugu baaqay inay ka laabtaan dhaq dhaqaaqyada Ciidan oo ay ka wadaan Gobolka Sanaag.War kaan kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli shalay Somaliland ay geeysay Ciidamo farabadan degmadw Boocame, xilli Aaga degmadaas ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin & Ciidamo katirsan Puntland. Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab was last modified: August 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan next post Wararkii ugu dambeeyay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Beledweyne You may also like Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 06/08/2022 Dhageyso;- Warka Galabnnimo ee Idaacada Warsan 26/08/2022 Emmanuel Macron oo markale booqday Caasimadda Lubnan ee Beyruut 01/09/2020 Hogaamiyeyaasha EU oo ku guuldaraystay in ay soo saraan qorshe wax looga qabanayo dhaqaalaha Yurub. 20/07/2020 Dhageyso:-CANUG LIXSANO JIR KA SOO JEEDA KOONFUR GALBEED OO ISAGOO KALIYAHA LAGALLA BAXAY MAYDKIISA LAGA HELAY QABUURAHA MACALI NUUR EE MAGAALADA MUQDISHO 25/06/2019 Xubin katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada dowladda 15/02/2023 Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xilka ka qaaday Gudoomiyaha Bakool 06/12/2020 Digniin loo diray Ciidamada dowladda Soomaaliya 04/12/2023 Madaxweyne laftagareen ayaa tacsiyeeyey geerida xildhibaan maxamed mursal (boorow) 20/09/2022 Dhageyso:-Ciidamada AMISOM oo lagu eedeeyay in ay dad rayid ah ku dileen dulleedka Muqdisho 25/10/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.