Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab written by Warsan Radio 05/08/2022 Wasiirka Warfaafinta Dawlad Goboleedka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka hadlay Ciidamada faraha badan oo Somaliland ay soo dhoobtay degmada Boocame ee Gobolka Sool iyo xiisada ka taagan halkaas.Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo martay dhibaatooyin ay iyaga dhexdooda isku geysteen, balse aan laga faa’iidiin wax aan aheyn khasaaro.Sidoo kale wuxuu sheegay in xilligaan nasiib darro tahay in Maamul Soomaaliyeed uu usoo hub qaatay in uu dhibaateeyo dad kale, iyada oo lagu guda jiro waqti abaaro, isaga oo maamulka Somaaliland ku eedeeyey in ay weerar ku yihiin dhulka Puntland ayna gacan siinayaan Dagaalyahanada Al-Shabaab .Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Somaliland markasta oo Ciidamada Puntland ay bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka Barbara furaan Ciidamada Puntland furin kale, iyaga u hiilinaya Al-Shabaab, isaga oo Madaxda Somaliland ugu baaqay inay ka laabtaan dhaq dhaqaaqyada Ciidan oo ay ka wadaan Gobolka Sanaag.War kaan kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli shalay Somaliland ay geeysay Ciidamo farabadan degmadw Boocame, xilli Aaga degmadaas ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin & Ciidamo katirsan Puntland. Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab was last modified: August 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan next post Wararkii ugu dambeeyay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Beledweyne You may also like Ingiriiska oo Soomaaliya ka saaraya dalalka ku jira liiska cas 08/10/2021 AKHRISO:-Markabkii labaad oo ku xiran la’ Dekeda Muqdisho iyo cabsi laga qabo inuu caariyo 29/03/2017 laamaha Amniga oo Muqdisho ku burburiyay wax yaabaha Maanka Dooriya iyo ragii la socday 22/09/2022 Ciidamada Xoogga Dalka oo Kala Dhexgalay Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Gobolka Hiiraan 08/06/2020 Dhageyso+Sawiro:-Xaflad oo Dhalinyaro ku taageertay in Mukhtaar Roobow isku soo sharaxo Xilka Madaxweynaha KGS 26/09/2018 Dowlada Soomaaliya oo ku eedeysay dowlada Kenya inay hubeyneyso jabhad 19/12/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Radio Warsan 14/05/2022 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 07/09/2019 RW Xamse oo amray in Hay’adaha Amniga deg deg uga jawaabaan weerar ay geysteen Al-Shabaab 21/07/2022 Dhageyso: Barnaamijka Hambalyada Iyo Salaamaha. 23/12/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.