Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab written by Warsan Radio 05/08/2022 Wasiirka Warfaafinta Dawlad Goboleedka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka hadlay Ciidamada faraha badan oo Somaliland ay soo dhoobtay degmada Boocame ee Gobolka Sool iyo xiisada ka taagan halkaas.Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo martay dhibaatooyin ay iyaga dhexdooda isku geysteen, balse aan laga faa’iidiin wax aan aheyn khasaaro.Sidoo kale wuxuu sheegay in xilligaan nasiib darro tahay in Maamul Soomaaliyeed uu usoo hub qaatay in uu dhibaateeyo dad kale, iyada oo lagu guda jiro waqti abaaro, isaga oo maamulka Somaaliland ku eedeeyey in ay weerar ku yihiin dhulka Puntland ayna gacan siinayaan Dagaalyahanada Al-Shabaab .Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Somaliland markasta oo Ciidamada Puntland ay bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka Barbara furaan Ciidamada Puntland furin kale, iyaga u hiilinaya Al-Shabaab, isaga oo Madaxda Somaliland ugu baaqay inay ka laabtaan dhaq dhaqaaqyada Ciidan oo ay ka wadaan Gobolka Sanaag.War kaan kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli shalay Somaliland ay geeysay Ciidamo farabadan degmadw Boocame, xilli Aaga degmadaas ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin & Ciidamo katirsan Puntland. Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab was last modified: August 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan next post Wararkii ugu dambeeyay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Beledweyne You may also like SOMA concluded a three –day General Assembly Meeting in Mogadishu 01/09/2021 Ciidanka Gorgor oo fuliyay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab 26/05/2022 Akhriso:-wafdi oo hoggaaminayo Gudoomiyaha Aqalka Sare oo shir uga qeyb galaya Koofurta Kuuriya 06/02/2019 Galmudug oo xukun adag ku ridday nin afduub iyo kufsi u geystay gabar lix jir ah 25/08/2021 AMISOM oo si adag u beenisay eedeyntii Hoggaanka Ahlu Sunna 28/10/2021 Maamulka Jubbaland ”Muqdisho ma’aha xiliggan meel shir lagu qaban karo 23/02/2021 Daawo Muqaalka Madaxweyne Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Gaalkacyo 13/01/2018 Xukuumadda Somalia oo Ciidamada uga digtay inay ku milmaan Siyaasadda 12/04/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 15/06/2020 Weerar dhinaca internetka ah oo lagu qaaday Mid ka mid ah Garoonka diyaadaha ee Dalka Maraykanka 11/10/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.