Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab written by Warsan Radio 05/08/2022 Wasiirka Warfaafinta Dawlad Goboleedka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka hadlay Ciidamada faraha badan oo Somaliland ay soo dhoobtay degmada Boocame ee Gobolka Sool iyo xiisada ka taagan halkaas.Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo martay dhibaatooyin ay iyaga dhexdooda isku geysteen, balse aan laga faa’iidiin wax aan aheyn khasaaro.Sidoo kale wuxuu sheegay in xilligaan nasiib darro tahay in Maamul Soomaaliyeed uu usoo hub qaatay in uu dhibaateeyo dad kale, iyada oo lagu guda jiro waqti abaaro, isaga oo maamulka Somaaliland ku eedeeyey in ay weerar ku yihiin dhulka Puntland ayna gacan siinayaan Dagaalyahanada Al-Shabaab .Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Somaliland markasta oo Ciidamada Puntland ay bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka Barbara furaan Ciidamada Puntland furin kale, iyaga u hiilinaya Al-Shabaab, isaga oo Madaxda Somaliland ugu baaqay inay ka laabtaan dhaq dhaqaaqyada Ciidan oo ay ka wadaan Gobolka Sanaag.War kaan kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli shalay Somaliland ay geeysay Ciidamo farabadan degmadw Boocame, xilli Aaga degmadaas ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin & Ciidamo katirsan Puntland. Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab was last modified: August 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan next post Wararkii ugu dambeeyay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Beledweyne You may also like Video: Waa Sidee Xaalada Dadka Ku Jiraan Xarunta Dhimirka Ee Magaalada Baydhabo? 11/01/2020 Somaliland oo sii deysay labo wariye oo u xirnaa labo bilood ka badan 02/07/2022 laftagareen oo u digay Xildhibaannada laga soo doortay Koonfur Galbeed 21/03/2022 Dhul-gariir ka dhacay dhulka Falastiin iyo khasaaro ka dhashay 08/02/2023 Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta 19/06/2022 DHAGEYSO SHARIIF XASAN OO LAFALANGEEYEY DHIBAATADA UU KU HAAYO KOONFUR GALBEED DHAGAYSI WANAAGSAN 21/01/2017 AKHRISO:-Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo xilal kale 22/03/2017 ciyaaryahan Ozil oo muslimiin kasoo kala jeeda Turkiga, Syria iyo Soomaaliya ka bixiyay afurka bisha Ramadaan 03/05/2020 Puntland oo heegan gelisay Ciidamadeeda ku sugan Gobolka Bari 25/10/2022 Dowladda UK oo sheegtay inay Soomaaliya ka caawinayso inay amnigeeda kala wareegto ATMIS 13/05/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.