Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab written by Warsan Radio 05/08/2022 Wasiirka Warfaafinta Dawlad Goboleedka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka hadlay Ciidamada faraha badan oo Somaliland ay soo dhoobtay degmada Boocame ee Gobolka Sool iyo xiisada ka taagan halkaas.Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo martay dhibaatooyin ay iyaga dhexdooda isku geysteen, balse aan laga faa’iidiin wax aan aheyn khasaaro.Sidoo kale wuxuu sheegay in xilligaan nasiib darro tahay in Maamul Soomaaliyeed uu usoo hub qaatay in uu dhibaateeyo dad kale, iyada oo lagu guda jiro waqti abaaro, isaga oo maamulka Somaaliland ku eedeeyey in ay weerar ku yihiin dhulka Puntland ayna gacan siinayaan Dagaalyahanada Al-Shabaab .Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Somaliland markasta oo Ciidamada Puntland ay bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka Barbara furaan Ciidamada Puntland furin kale, iyaga u hiilinaya Al-Shabaab, isaga oo Madaxda Somaliland ugu baaqay inay ka laabtaan dhaq dhaqaaqyada Ciidan oo ay ka wadaan Gobolka Sanaag.War kaan kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli shalay Somaliland ay geeysay Ciidamo farabadan degmadw Boocame, xilli Aaga degmadaas ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin & Ciidamo katirsan Puntland. Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab was last modified: August 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan next post Wararkii ugu dambeeyay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Beledweyne You may also like Khasaare ka dhashay Madaafiic lagu garaaca xaafado ku dhow Villa Somalia 01/09/2022 Dhageyso:-Sawirada : Shir Amaanka Loogu hadlaayay oo Baydhabo ka dhacay & qodobo muhiim ah 22/08/2016 Shacabka Imaaraadka oo billaabay kacdoon ka dhan ah xiriirka lala yeeshay Israel 25/08/2020 In ka badan 1,300 oo qof oo lagu xidhay Dalka Ruushka, ka dib mudaharaado ka dhacay dalkaas 22/09/2022 DHAGAYSO, BEESHA LEYSAAN OO SHIR WEYN KU QABTEY ISWIIDAN, WADANINEWS24 AYAANA WAREYSI KA QAADEY 17/07/2016 Xasan Sheekh “Dalkaan yaa Midnimadiisa khatar la gelin, Somaliland ayaa hadda naga maqan…” 10/01/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 16/08/2021 Duqa Muqdisho oo Dalbaday in xal loo helo saxmada ka jirta Waddooyinka 17/12/2023 Cabsi Xoogan oo ka taagan degmada Afgooye 28/07/2020 Dhageyso: Barnaamijka Dhacdooyinka Idaacada Warsan 03/07/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.