Baydhabo-{WMN}- Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka socota doorashada xubnaha Golaha deegaanka Magaaladaas, waxaana doorashada ka hadlay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Madaxweyne Axmed Qoorqoor ayaa boggaadiyey doorashada Golaha deegaanka ee ka soconaysa degmada Cadaado ee Gobolka, isagoona u rajeeyay in ay dhawaan si habsami leh kusoo dhamaato.
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ku dhiirogaliyay degmooyinka kale ee isku diyaarinaya doorashada Golaha Deegaanka in ay dar-dar galiyaan doorashooyinka golaha deegaanka ee degmooyinka Galmudug.
Ugu danbayn Madaxweynaha ayaa xusay in Xukuumadda Galmudug ay ku howlan tahay sidii Galmudug ay uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah, iyadoona ay ka dhigantahay doorashada golaha deegaanka ee degmooyinka Galmudug in ay dhabbaha u xaarayso xaqiijinta doorasho qof iyo cod ah.