Maraykanka oo $127 million oo dollar oo cusub ugu deeqay qaaradda Afrika written by Warsan Radio 06/08/2022 Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa sheegay in sare u kaca ku yimi cuntada adduunku, inuu si aad u daran u saameeyey dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, iyada oo sare u kaca qiimaha cuntada uu sababay duullaankii uu dalka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.“Qiimaha cunnada ee dunidu wuxuu 23% ka sarreeyaa qiimihii uu joogay sannad ka hor, laakiin sare u kacaasi wuxuu si xun ugu dhuftay ama looga dareemay dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, waxaana qiimaha cuntada lagu iibsado ay sare u kacday illaa 40%” ayay tidhi danjire Linda Thomas-Greenfield oo ah ergeyga dawladda Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay oo ku sugan dalka Ghana.Thomas-Greenfield inkasta oo ay tahay ergeyga dawladda Maraykanka u jooga Qaramada Midoobay, haddana sidoo kale waa xubin ka tirsan Golaha Wasiirada ee Madaxweyne Joe Biden, waxay safar qaadanaya afar maalmood ay ku joogtaa qaaradda Afrika, iyada oo booqanaysa dalalka Uganda, Ghana, iyo Cabo Verde.Danjire Linda ayaa sheegtay in haatan la filayo in dadka cunto yaridu ku hayso dunida inay kor u dhaafto illaa 230 million oo qof, taasoo ka dhigan in duullaanka Ruushka ee Ukraine inuu tirada dadka saboolka ah ee aan cuntada haysan ku sii kordhiyey illaa 40 milion oo qof oo dheeraada.Danjiraha ayaa intii ay joogtay dalka Ghana waxay ku yaboohday in ka badan $127 milyan oo gargaar bini’aadanimo ah oo loogu deeqayo qaaradda Afrika, taasoo diiradda lagu saarayo in lagu taageero arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha.Intii ay joogtay Accra, waxay ku dhawaaqday in ka badan $127 milyan oo gargaar bini’aadantinimo oo cusub oo Afrika ah, oo diiradda lagu saarayo qaxootiga iyo barakacayaasha. Maraykanka oo $127 million oo dollar oo cusub ugu deeqay qaaradda Afrika was last modified: August 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Itoobiya” Waxaan dilnay 800 oo ka tirsan ururka Al-Shabaab” next post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Dowlada Itoobiya oo heshiis Milatari la gashay Dowlada Ruushka 13/07/2021 VIDEO:-BANAANBAX AAD U BALARAN OO LOOGA CABANAYO SABABTA LOO SAXIIXI WAAYEY WARQADII DILAAGI DILEY SIRAAJI 03/12/2017 Madaxweyne Lafta-gareen oo la kulmay Saraakiisha amniga ee Degmada Waajid (SAWIRRO) 21/06/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 16/08/2020 MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHACABKA U JEEDIYEY KHUDBADDII MAALINTA XORNIMADA IYO MIDNIMADA EE 1-DA LUULIYO 01/07/2020 Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Gobolka Hiiraan “sawirro” 06/12/2020 Maxaad kala socotaa General Gorod Guushii uu ka gaaray Nabadda Gaalkacyo? 15/01/2018 Ciidamada xoogga oo Xudur geeyay gaadiid ku xayirnaa Ceelbarde ee gobalka Bakool 03/02/2021 Dhageyso: Wraka Duhurnimo ee Idaacada Wrasan 06/06/2023 Madaxweynaha Galmudug oo shaaciyay inay deg deg ku bilaabayaan doorashada 18/11/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.