Dowladda Shiinaha oo ka jawaabtay taageeradii uga timid Soomaaliya written by Warsan Radio 07/08/2022 Dowladda Shiinaha ayaa uga mahad celisay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya taageerada iyo garab istaaga ay u muujisay taas oo ku aadan in Soomaaliya ay Taiwan u aqoonsatay qeyb kamid ah dhulweynaha Shiinaha.Qoraal kooban oo kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir saaxiibtinimo soo jireen ah qarniyo ka hor.“Dowladda Shiinaha ayaa si weyn ugu mahadcelineysa taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaha Soomaaliyeed ayaa lagu yiri” Qoraalka.Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay qoraal ay soo saartay ku caddeysay mowqifkeeda adag ee ah in ay ixtiraameyso siyaasadda iyo Madax bannaanida Shiinaha, iyada oo u aragta in Taiwan uu yahay qayb aan ka maarmi karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha.Dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka ayaa aad isugu khilaafsan Arrimaha Taiwan, iyada oo ay jiraan dalal kale oo taageeray Shiinaha, waxaana xusid mudan in Taiwan ay horay aqoonsi & taageero u siisay Somaliland oo isku aqoonsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale. Dowladda Shiinaha oo ka jawaabtay taageeradii uga timid Soomaaliya was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan next post Israa’iil & Falastiiniyiinta oo Gantaalo is dhaafsaday You may also like Sidee ayuu u dhici doonaa munaasabadda duugta Amiir Philip? 11/04/2021 Akhriso Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Ku Noqoshada Miisaaniyadda 2020 oo 35% La Kordhiyay 30/05/2020 Dab ka kacay Keymo iyo dhul-daaqsimeed ballaaran oo kuyaalla Gobolka Nugaal 15/04/2024 Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Gedo 22/05/2020 Ciidamada dalalka Azerbijan iyo Armenia oo xaduuda ku dagaalamay 27/09/2020 Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socday Norway 08/05/2022 Shiinaha oo dalal ay kujirto Somalia ka caawinaya soo afjarida colaadaha 21/06/2022 Dallada Mucaaradka Puntland oo shaacisay jadwal doorasho oo hal dhinac ah 14/11/2023 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 01/02/2021 Maydka raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo Muqdisho laga dajiyay 16/07/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.