Dowladda Shiinaha oo ka jawaabtay taageeradii uga timid Soomaaliya written by Warsan Radio 07/08/2022 Dowladda Shiinaha ayaa uga mahad celisay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya taageerada iyo garab istaaga ay u muujisay taas oo ku aadan in Soomaaliya ay Taiwan u aqoonsatay qeyb kamid ah dhulweynaha Shiinaha.Qoraal kooban oo kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir saaxiibtinimo soo jireen ah qarniyo ka hor.“Dowladda Shiinaha ayaa si weyn ugu mahadcelineysa taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaha Soomaaliyeed ayaa lagu yiri” Qoraalka.Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay qoraal ay soo saartay ku caddeysay mowqifkeeda adag ee ah in ay ixtiraameyso siyaasadda iyo Madax bannaanida Shiinaha, iyada oo u aragta in Taiwan uu yahay qayb aan ka maarmi karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha.Dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka ayaa aad isugu khilaafsan Arrimaha Taiwan, iyada oo ay jiraan dalal kale oo taageeray Shiinaha, waxaana xusid mudan in Taiwan ay horay aqoonsi & taageero u siisay Somaliland oo isku aqoonsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale. Dowladda Shiinaha oo ka jawaabtay taageeradii uga timid Soomaaliya was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan next post Israa’iil & Falastiiniyiinta oo Gantaalo is dhaafsaday You may also like MW ku-xigeenka Galmudug oo weji kale u yeelay khilaafka kala dhexeeya Qoorqoor 09/09/2023 Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay lacagtii ay u fasaxday dowladda Soomaaliya 09/04/2022 Hoobiye yaal lagu gaaray xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne. 15/09/2022 Boqolaal kun oo qof oo ka qaxaya duufaan ku wajahan galbeedka dalka Japan 07/09/2020 Dhageyso:-Waxaa Xoos Udhac ku yimid Sarafka Lacagaha kala Duwan Ee Magalada Baydhabo Waxana Aan Booqdey Suuqyada kala Duwan ee Baydhabo . 12/02/2017 Ganacsade lagu dilay Muqdisho 16/07/2022 Hay’adda Amnesty International oo codsatay in bilaa shuruud lagusii daayo Weriye Coldoon 17/04/2020 Hay’addaha ka howl-gala gudaha Dalka oo lagu amray inay Isticmaalaan Bankiyada Dalka 24/01/2021 Guddoomiye kuxigeenka howlaha Guud ee Gobolka Banaadir oo Xildhibaan loo doortay 14/02/2022 Dowladda Oo Shacabka Iyo Ganacstada Soomaaliyeed Ugu Baaqday In Loo Gurmado Shacabka Iyo Dowladda Suudaan 10/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.