Dowladda Shiinaha oo ka jawaabtay taageeradii uga timid Soomaaliya written by Warsan Radio 07/08/2022 Dowladda Shiinaha ayaa uga mahad celisay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya taageerada iyo garab istaaga ay u muujisay taas oo ku aadan in Soomaaliya ay Taiwan u aqoonsatay qeyb kamid ah dhulweynaha Shiinaha.Qoraal kooban oo kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir saaxiibtinimo soo jireen ah qarniyo ka hor.“Dowladda Shiinaha ayaa si weyn ugu mahadcelineysa taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaha Soomaaliyeed ayaa lagu yiri” Qoraalka.Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay qoraal ay soo saartay ku caddeysay mowqifkeeda adag ee ah in ay ixtiraameyso siyaasadda iyo Madax bannaanida Shiinaha, iyada oo u aragta in Taiwan uu yahay qayb aan ka maarmi karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha.Dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka ayaa aad isugu khilaafsan Arrimaha Taiwan, iyada oo ay jiraan dalal kale oo taageeray Shiinaha, waxaana xusid mudan in Taiwan ay horay aqoonsi & taageero u siisay Somaliland oo isku aqoonsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale. Dowladda Shiinaha oo ka jawaabtay taageeradii uga timid Soomaaliya was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan next post Israa’iil & Falastiiniyiinta oo Gantaalo is dhaafsaday You may also like Dhageyso:-Ku celiska Barnaamijka Beeraha oo looga hadlaayo Caafimaadka Cuntada iyo nafaqada 09/03/2022 Midawga Yurub oo hakiyey heshiis laga gaari lahaa muwaadiniinta Ruushka loo fududeeyo dal ku galk Yurub 01/09/2022 Dhageyso:-Maamulka Degmada Tiyeeglow Oo Wada Sidii dib ay U celin Lahayeen Shacabkii Dhawaan Kasoo Cararey 01/08/2016 INVITATION TENDER PRE-QUALIFICATION OF CONTRACTORS FOR LABOUR 03/10/2017 Binjamin Netanyahu oo laga waayay dambi horay loogu eedeeyey oo laaluush qaadasho ahaa 09/02/2021 DFS & Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ee xerada ATMIS 04/05/2022 Waqooyiga Kuuriya waxay soo bandhigtay ‘Dhoolatus ballaaran’ ICBM 12/10/2020 Kalluumeysiga sharci darada ah oo ku soo badanaya badda Soomaaliya 29/10/2021 Trump Oo Ku Eedeeyay Shiinaha In Uu Sheybaar Ku Sameeyay Covid 19 01/05/2020 Ciidamada Dowladda & kuwa Hir-Shabeelle ayaa howlgal Wadajir ah sameeyay 07/12/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.