Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub written by Warsan Radio 07/08/2022 Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta yeelanaya Kulan aan caadi aheyn, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu horgeyn doono Golihiisa Wasiirada ee dhawaan uu Magacaabay.Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka in Maanta Xarunta Villa Hargeysa uu ka dhacayo Kulanka Golaha, Isla markaana Ajandaha uu yahay u codeynta Xukuumadda cusub iyo Barnaamijkeeda.Ka hor cod u qaadista Golaha Wasiirada ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu hadal u jeediyo Xildhibaannada Golaha Shacabka, isaga oo soo bandhigi doona Barnaamijka xukuumaddiisa, kana codsan doono Golaha Shacabka inay Xukuumadda u ansixiyaan.Tan iyo makii la Magacaabay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo Golaha Magacaaban ay la yeelanayeen Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka, iyaga oo weeydiisanayay inay codka kalsoonida siiyaan.Waxaa jira xildhibaannada Beelaha qaarkood oo aad u saluugsan hanaanka loo soo dhisay Golaha Wasiirada cusub, kuwaas oo qaarkood sheegay in lagu xadgudbay saami qeybsiga Beelaha, balse Maanta laga warsugayo go’aanka ay gaaraan Xildhibaannada Golaha Shacabka. Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Israa’iil & Falastiiniyiinta oo Gantaalo is dhaafsaday next post Soomaaliya & Uganda oo kala saxiixday heshiis Amni You may also like Al-Shabaab oo weerar dhimasho leh ku qaaday saldhig ku yaalla Sh/Dhexe. 17/01/2023 Ciidamada Dowladda oo la wareegay Xarunta Radio Gedo 29/06/2020 Dhageyso:-Wasiirka Amniga mamulka konfur galbed oo Shir jarad kusabsanaa Amniga ku Qabtay Baydhabo 17/07/2018 Dhageyso:- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 30/12/2021 Dhageyo:-Qeybtii 2-aad ee Tartankii Caawa oo Xaafada Daarusalaam B ku hartey. 18/05/2020 Dhageyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 11/12/2019 Xal laga gaarey khilaafkii Maamul ee Gobalka Hiiraan Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiraan oo maanta xilka ku wareejiyay guddoomiyaha cusub 16/04/2020 Soomaaliya oo Maanta la filayo in laga cafiyo deynta Caalamka ku leeyahay 13/12/2023 Madaxwaynaha JFS iyo Amiirka Qatar oo Khadka telefoonka kuwada hadlay 14/05/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 17/10/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.