Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub written by Warsan Radio 07/08/2022 Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta yeelanaya Kulan aan caadi aheyn, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu horgeyn doono Golihiisa Wasiirada ee dhawaan uu Magacaabay.Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka in Maanta Xarunta Villa Hargeysa uu ka dhacayo Kulanka Golaha, Isla markaana Ajandaha uu yahay u codeynta Xukuumadda cusub iyo Barnaamijkeeda.Ka hor cod u qaadista Golaha Wasiirada ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu hadal u jeediyo Xildhibaannada Golaha Shacabka, isaga oo soo bandhigi doona Barnaamijka xukuumaddiisa, kana codsan doono Golaha Shacabka inay Xukuumadda u ansixiyaan.Tan iyo makii la Magacaabay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo Golaha Magacaaban ay la yeelanayeen Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka, iyaga oo weeydiisanayay inay codka kalsoonida siiyaan.Waxaa jira xildhibaannada Beelaha qaarkood oo aad u saluugsan hanaanka loo soo dhisay Golaha Wasiirada cusub, kuwaas oo qaarkood sheegay in lagu xadgudbay saami qeybsiga Beelaha, balse Maanta laga warsugayo go’aanka ay gaaraan Xildhibaannada Golaha Shacabka. Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Israa’iil & Falastiiniyiinta oo Gantaalo is dhaafsaday next post Soomaaliya & Uganda oo kala saxiixday heshiis Amni You may also like Doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa 03/02/2022 Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyay 66 maxbuus bisha Ramadaan awgeed 19/04/2021 Saadaad Maxamed Nuur Aliyow oo loo doortay kursi Golaha Shacabka 29/11/2021 DHAGEYSO:-TARTANKA RAMADAANKA WAA HABEENKII 1-AAD OO LAGOFURAY XAAFADAHA KALA AH HORSEED A IYO BARDAALE A WAA TARTAN XIISO LE 17-5-2018 18/05/2018 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 10/04/2021 Dhageyso:-Warka Caawa ee Idaacada Warsan 08/10/2021 Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Beesha Caalamka kala hadlay la-dagaalanka Al-Shabaab 15/06/2021 Kenya oo sheegtay in sarkaal ka tirsan Al-shabaab uu ka baxsaday xabsi ku yaala Kenya 16/11/2021 Golaha midowga musharraxiinta oo soo dhoweeyay in raysal wasaare Rooble uu la wareegay hoggaaminta doorashada 02/05/2021 Madaxweyne Muuse Biixi oo Digniin u diray Maamulka Puntland 14/10/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.