Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub written by Warsan Radio 07/08/2022 Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta yeelanaya Kulan aan caadi aheyn, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu horgeyn doono Golihiisa Wasiirada ee dhawaan uu Magacaabay.Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka in Maanta Xarunta Villa Hargeysa uu ka dhacayo Kulanka Golaha, Isla markaana Ajandaha uu yahay u codeynta Xukuumadda cusub iyo Barnaamijkeeda.Ka hor cod u qaadista Golaha Wasiirada ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu hadal u jeediyo Xildhibaannada Golaha Shacabka, isaga oo soo bandhigi doona Barnaamijka xukuumaddiisa, kana codsan doono Golaha Shacabka inay Xukuumadda u ansixiyaan.Tan iyo makii la Magacaabay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo Golaha Magacaaban ay la yeelanayeen Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka, iyaga oo weeydiisanayay inay codka kalsoonida siiyaan.Waxaa jira xildhibaannada Beelaha qaarkood oo aad u saluugsan hanaanka loo soo dhisay Golaha Wasiirada cusub, kuwaas oo qaarkood sheegay in lagu xadgudbay saami qeybsiga Beelaha, balse Maanta laga warsugayo go’aanka ay gaaraan Xildhibaannada Golaha Shacabka. Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Israa’iil & Falastiiniyiinta oo Gantaalo is dhaafsaday next post Soomaaliya & Uganda oo kala saxiixday heshiis Amni You may also like Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 31/01/2021 Emmanuel Macron oo Cunaqabateyn ugu hanjabay Siyaasiyiinta wadanka Lubnaan 02/09/2020 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 30/06/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 19/11/2020 RW Kheyre oo faray Wasaarada Maaliyadda bixinta lacagta ku baxeysa ka hortaga Fatahaada Baladweyne 10/05/2020 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 31/05/2021 URURKA CILMI-BAARAYASHA SOMALIYEED (SRA) OO CILMI-BAARIS KA SAMEYAY Takoorka Dadka La Nool HIV/AIDS Somalia Ka Dhanka ah 24/01/2021 Dhageyso: Gudoomiyaha Haweenka Degmada Baydhabo Xaawo Sokor Oo Sheegtay In Loo Baahan Yahay In Haweenka Ay Kasoo Dhax Muuqdaan Siyaasada Dalka 23/12/2019 Dhageyso:-Barnaamijka Beeraha 19/04/2021 Howlgal dad farabadan lagu qabqabtay oo laga sameeyay Muqdisho 06/06/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.