Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub written by Warsan Radio 07/08/2022 Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta yeelanaya Kulan aan caadi aheyn, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu horgeyn doono Golihiisa Wasiirada ee dhawaan uu Magacaabay.Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka in Maanta Xarunta Villa Hargeysa uu ka dhacayo Kulanka Golaha, Isla markaana Ajandaha uu yahay u codeynta Xukuumadda cusub iyo Barnaamijkeeda.Ka hor cod u qaadista Golaha Wasiirada ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu hadal u jeediyo Xildhibaannada Golaha Shacabka, isaga oo soo bandhigi doona Barnaamijka xukuumaddiisa, kana codsan doono Golaha Shacabka inay Xukuumadda u ansixiyaan.Tan iyo makii la Magacaabay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo Golaha Magacaaban ay la yeelanayeen Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka, iyaga oo weeydiisanayay inay codka kalsoonida siiyaan.Waxaa jira xildhibaannada Beelaha qaarkood oo aad u saluugsan hanaanka loo soo dhisay Golaha Wasiirada cusub, kuwaas oo qaarkood sheegay in lagu xadgudbay saami qeybsiga Beelaha, balse Maanta laga warsugayo go’aanka ay gaaraan Xildhibaannada Golaha Shacabka. Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Israa’iil & Falastiiniyiinta oo Gantaalo is dhaafsaday next post Soomaaliya & Uganda oo kala saxiixday heshiis Amni You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 17/12/2018 Golaha Ammaanka ee QM oo Digniin kasoo saaray Doorashada Somalia 13/03/2021 Shir xasaasi ah oo laga yeeshay Amniga Muqdisho 07/08/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Beeraha 23/04/2021 Maamulka Jubbaland oo Maanta soo geba-gabeeyay doorashada kuraasta taalla Kismaayo 21/03/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 15/12/2020 Dowlada Soomaaliya oo ka soo horjeesatay qaar ka mid ah qodobada ka so baxay Golaha Ammaanka Afrika 24/04/2021 Waa Kuma Sheekh Adan Maxamed Nuur (Adan Madoobe),Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka Soomaaliya? 28/04/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 26/12/2020 Guddoomiye Madaale oo Shirweyne uga qeyb galay Magaalada Bagdaad 26/01/2024 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.