Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub written by Warsan Radio 07/08/2022 Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta yeelanaya Kulan aan caadi aheyn, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu horgeyn doono Golihiisa Wasiirada ee dhawaan uu Magacaabay.Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka in Maanta Xarunta Villa Hargeysa uu ka dhacayo Kulanka Golaha, Isla markaana Ajandaha uu yahay u codeynta Xukuumadda cusub iyo Barnaamijkeeda.Ka hor cod u qaadista Golaha Wasiirada ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu hadal u jeediyo Xildhibaannada Golaha Shacabka, isaga oo soo bandhigi doona Barnaamijka xukuumaddiisa, kana codsan doono Golaha Shacabka inay Xukuumadda u ansixiyaan.Tan iyo makii la Magacaabay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo Golaha Magacaaban ay la yeelanayeen Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka, iyaga oo weeydiisanayay inay codka kalsoonida siiyaan.Waxaa jira xildhibaannada Beelaha qaarkood oo aad u saluugsan hanaanka loo soo dhisay Golaha Wasiirada cusub, kuwaas oo qaarkood sheegay in lagu xadgudbay saami qeybsiga Beelaha, balse Maanta laga warsugayo go’aanka ay gaaraan Xildhibaannada Golaha Shacabka. Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Israa’iil & Falastiiniyiinta oo Gantaalo is dhaafsaday next post Soomaaliya & Uganda oo kala saxiixday heshiis Amni You may also like Wasiirka Caafimaadka Oo Ka Warbixisay Xaaladihii Ugu Dambeeyay COVID-19 Ee Dalka 14/04/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 18/04/2021 DAAWO Video: Koonfur Galbeed Somalia Oo Digniin U Dirtey Dadka Garsoorka U Doonta Al Shabaab 26/08/2017 Dhageys:-Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Oo Sheegay In Aan Xiriirka Loo Jari Karin DFS 08/09/2018 Taliyaha Cusub ee Booliska Soomaaliya oo xilka la wareegay 04/02/2023 Beesha Caalamka oo soo jeedisay in xubno kale lagu soo daro shirka u socda madaxda DF iyo DG 15/09/2020 Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho 07/11/2022 Maktabada qaranka oo deeq buugaag ah ka gudoontay maktabadda qaranka dalka Qatar 21/06/2021 Wafdi ka socda WFP oo gaaray degmada Doolow kulamana bilaabay 30/03/2022 Agaasimaha NISA oo War kasoo saaray qaadista Cunaqabataynta Hubka 02/12/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.