Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub written by Warsan Radio 07/08/2022 Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta yeelanaya Kulan aan caadi aheyn, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu horgeyn doono Golihiisa Wasiirada ee dhawaan uu Magacaabay.Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka in Maanta Xarunta Villa Hargeysa uu ka dhacayo Kulanka Golaha, Isla markaana Ajandaha uu yahay u codeynta Xukuumadda cusub iyo Barnaamijkeeda.Ka hor cod u qaadista Golaha Wasiirada ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu hadal u jeediyo Xildhibaannada Golaha Shacabka, isaga oo soo bandhigi doona Barnaamijka xukuumaddiisa, kana codsan doono Golaha Shacabka inay Xukuumadda u ansixiyaan.Tan iyo makii la Magacaabay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo Golaha Magacaaban ay la yeelanayeen Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka, iyaga oo weeydiisanayay inay codka kalsoonida siiyaan.Waxaa jira xildhibaannada Beelaha qaarkood oo aad u saluugsan hanaanka loo soo dhisay Golaha Wasiirada cusub, kuwaas oo qaarkood sheegay in lagu xadgudbay saami qeybsiga Beelaha, balse Maanta laga warsugayo go’aanka ay gaaraan Xildhibaannada Golaha Shacabka. Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Israa’iil & Falastiiniyiinta oo Gantaalo is dhaafsaday next post Soomaaliya & Uganda oo kala saxiixday heshiis Amni You may also like Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka 26/10/2020 Dhageyso:- Gole Deegaan Oo Loo Samaynayo Degmada Diinsoor 31/12/2019 Video:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqday Jaamacad loogu magac daray oo ku taal Baydhabo 22/11/2017 Maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadlay dad lagu dilay wadada xiriirisa Matabaan iyo Guriceel 21/01/2021 Dhageyso: Warka Galabnimo ee Idaacada warsan 04/11/2022 Akhriso:-Boqor tooyada Sacudiga oo tacsi u diray qoyska Jamal Khashuggi 22/10/2018 Dowladda Soomaaliya oo fariin u dirtay Shacabka. 31/07/2021 DHAGEYSO:-MAXAA HOR TAAGAN IN LA DHISO MAAMULADA BAYDHABO IYO BARAAWE ? 01/03/2018 Madaxweynaha Koofurgalbeed Laftagareen oo gaaray magaalada Muqdisho 19/08/2021 Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta tegaya dalka Itoobiya 17/07/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.