Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub written by Warsan Radio 07/08/2022 Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta yeelanaya Kulan aan caadi aheyn, iyada oo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu horgeyn doono Golihiisa Wasiirada ee dhawaan uu Magacaabay.Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka in Maanta Xarunta Villa Hargeysa uu ka dhacayo Kulanka Golaha, Isla markaana Ajandaha uu yahay u codeynta Xukuumadda cusub iyo Barnaamijkeeda.Ka hor cod u qaadista Golaha Wasiirada ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu hadal u jeediyo Xildhibaannada Golaha Shacabka, isaga oo soo bandhigi doona Barnaamijka xukuumaddiisa, kana codsan doono Golaha Shacabka inay Xukuumadda u ansixiyaan.Tan iyo makii la Magacaabay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo Golaha Magacaaban ay la yeelanayeen Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka, iyaga oo weeydiisanayay inay codka kalsoonida siiyaan.Waxaa jira xildhibaannada Beelaha qaarkood oo aad u saluugsan hanaanka loo soo dhisay Golaha Wasiirada cusub, kuwaas oo qaarkood sheegay in lagu xadgudbay saami qeybsiga Beelaha, balse Maanta laga warsugayo go’aanka ay gaaraan Xildhibaannada Golaha Shacabka. Golaha Shacabka oo Maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Israa’iil & Falastiiniyiinta oo Gantaalo is dhaafsaday next post Soomaaliya & Uganda oo kala saxiixday heshiis Amni You may also like Ciidamada Xoogga Dalka oo Kala Dhexgalay Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Gobolka Hiiraan 08/06/2020 Dowladda Jabuuti & Kenya oo isku mari waayay kursi kamid ah Golaha Amaanka ee QM 18/06/2020 Degmada waajid Ee Gobolka Bakool Ayaa Xiligaani Waxaa Ka Taagan Dhibaatooyin Kala Duwan Oo Dhanka Nolasha 28/02/2017 Rooble;”Xukuumadu Waxay Ku Dhaqmeysaa Siyaasad Ku Saleysan Maslaxadda Ummadda “ 14/01/2022 Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab 20/08/2022 Dowladda Germany oo Soomaaliya ka caawinaysa yaraynta halista Covid_19, daadadka, iyo duulaanka Ayaxa 17/06/2020 Xoghayaha guud ee QM oo Adduunka uga digay khatarta dagaal qabow oo ku soo wajahan 23/09/2020 Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo ka socota Magaalada Baydhabo 09/03/2022 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 19/11/2022 Video:-Shirka Jaraa’id Ay Qabten Siyaasiyiinta Golaha Badbaadina KGS oo Maanta Ka Dhacay Baydhabo 16/12/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.