Baydhabo-{WMN}- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay golaha shacabka ee maanta ansixiyay golaha wasiiradda Cusub ee Xukuumadiisa.
Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad u jeediyay Golaha Shacabka ka hor anisixntiisa ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumaddiisa ay noqon doonto mid si wanaagsan ugu Shaqeeyo dalka iyo dadka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu balan qaaday in uu wadashaqeyn weyn la yeelan doono Xildhibaannada, isla markaana uu diyaar u yahay in Golaha Shacabka la xisaabtamaan Xukuumaddiisa.
Maalmaha soo socda ayaa waxaa lafilayaa in Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya a xilalka si de deg ah ula wareegaan maadaama laga sugayo shaqooyin culus iy inay dalka ka saaraan xaaladaha abaareed iyo midda amni darro ee kajirta.