Baydhabo-{WMN}- Gudoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo maaliyada Gobalka Hiiraan Abuukar Cabdullahi Maadey xubno ka tirsan maamulka Gobalka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada ATMIS ayaa Maanta si weyn garoonka Diyaaradaha Beledweyne ugu soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Dhulka xoogga Dalka Soomaaliyeed Janeral Maxamed Tahliil Biixi, Taliyaha Qeybta 27-aad JaneraalTawane Axmed Gureey iyo Saraakiil kale oo katirsan Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.
Ujeedka Saraakiishaan ee Magaalada Beledweyne ayaa lagu sheegay inay ka qeyb galaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee ka socda Gobalka Hiiraan loona dhiiri-gelin lahaa Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ee jiidaha hore ku sugan.
Gudoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyada Gobalka Hiiraan Abuukar Cabdullahi Maadey ayaa saraakiisha warbixin ka siiyey xaalada guud ee gobalka hiiraan iyo sidii loo xoojin Lahaa howlgalka ka dhanka Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka lugta Janeraal Biixi iyo Saraakiisha la socota ayaa kulamo la qaadan doona saraakiisha Ciidamada xoogga dalka & kuwa howlgalka ATMIS si loo dardar geliyo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.