Cumar Cabdirashiid oo sheegay in Xukuumadda Somalia laga sugayo waxka qabashada Ciyaal weerada written by Warsan Radio 09/08/2022 Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin magacaabistii Golaha Wasiirada Cusub, xiriirka Soomaaliya & Itoobiya– Amniga Soomaaliya & in wadahadal lala galo Al-Shabaab.Cumar Cabdirashiid oo la hadlayay Tv-ga HBN ayaa sheegay in Xukuumadda Cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre looga fadhiyo inay la timaado qorshayaal Amni oo ugu horreeyo sugida Amniga Caasimadda.Wuxuu sheegay in Amniga guud ee dalka uu ku hagaagi karo in marka hore la sugo Amniga Caasimadda lagana hortago weerarada Al-Shabaab iyo Ciyaal weerada dadka waddooyinka ku dilaya.Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdìrashiid oo ka hadlayay magacaabistii Muqtaar Rooboow oo kamid noqday Golaha Wasiirada Soomaaliya ayuu sheegay in ay tahay arein wanaagsan balse loo baahan yahay in dowladda hadda jirta ay uga faa’iideysato sidii dalla looga saari lahaa Al-Shabaab.Ugu dambeyn Cumar Cabdirashiid Wuxuu sheegay in dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay horyaallaan Shaqooyin uu ugu horreeyo Amniga dalka iyo isku heyta dalalka Gobolka. Cumar Cabdirashiid oo sheegay in Xukuumadda Somalia laga sugayo waxka qabashada Ciyaal weerada was last modified: August 9th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ka qeyb galaya shirka dhaqaalaha Soomaaliya & Uganda next post Al-Shabaab oo weeraro ka geystay degaano hoostaga Mandheera & khasaaro ka dhashay You may also like Dhageyso:- Wareegii Sedexaad Habeenkii 24 Raad oo ay Tartamaan Xaafadaha Baydhabo. Waxaa Caawa ku Tartamaaya Xadadaha kala ah Salaameey {B} iyo Wadajir {A} 9-6-2018 09/06/2018 Daawo Salaada ciida Magaalada baydhabo oo looga dabaaldegay munaasabadda Ciidda 01/09/2017 Dowladda Somalia oo sheegtay in howlgal lagu qabtay Sarkaal katirsan Al-Shabaab 20/04/2022 Hay’adaha Amniga oo Hawlgal ka sameeyay Magaalada Muqdsisho 24/08/2023 Rooble oo la kulmay guddigii qiimeynta Xaaladda Garbahaarreey 07/03/2022 Madaxa Maaliyadda FEIT oo ka soo horjeestay habraaca doorashada Golaha Shacabka 18/08/2021 Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo u ambabaxay Magaalada Baraawe iyo Ujeedkiisa 03/10/2021 Wafdi uu hogaaminaayo gudoomiyaha baarlamaanka KGS oo gaaray degmada Xudur & soo dhaweyn loo sameeyay 26/10/2020 Ciidamo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay Gobolka Mudug 03/01/2023 COVID-19 oo ku faafaya hoteelada Magaalada Muqdisho 25/02/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.