Cumar Cabdirashiid oo sheegay in Xukuumadda Somalia laga sugayo waxka qabashada Ciyaal weerada written by Warsan Radio 09/08/2022 Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin magacaabistii Golaha Wasiirada Cusub, xiriirka Soomaaliya & Itoobiya– Amniga Soomaaliya & in wadahadal lala galo Al-Shabaab.Cumar Cabdirashiid oo la hadlayay Tv-ga HBN ayaa sheegay in Xukuumadda Cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre looga fadhiyo inay la timaado qorshayaal Amni oo ugu horreeyo sugida Amniga Caasimadda.Wuxuu sheegay in Amniga guud ee dalka uu ku hagaagi karo in marka hore la sugo Amniga Caasimadda lagana hortago weerarada Al-Shabaab iyo Ciyaal weerada dadka waddooyinka ku dilaya.Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdìrashiid oo ka hadlayay magacaabistii Muqtaar Rooboow oo kamid noqday Golaha Wasiirada Soomaaliya ayuu sheegay in ay tahay arein wanaagsan balse loo baahan yahay in dowladda hadda jirta ay uga faa’iideysato sidii dalla looga saari lahaa Al-Shabaab.Ugu dambeyn Cumar Cabdirashiid Wuxuu sheegay in dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay horyaallaan Shaqooyin uu ugu horreeyo Amniga dalka iyo isku heyta dalalka Gobolka. Cumar Cabdirashiid oo sheegay in Xukuumadda Somalia laga sugayo waxka qabashada Ciyaal weerada was last modified: August 9th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ka qeyb galaya shirka dhaqaalaha Soomaaliya & Uganda next post Al-Shabaab oo weeraro ka geystay degaano hoostaga Mandheera & khasaaro ka dhashay You may also like Garoonka Diyaaradaha Xudur Oo Ay Weli Ka Socoto Howlo Dib Loogu Habeynayo “SAWIRRO” 09/09/2020 Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Deni iyo Axmed madoobe 20/07/2020 Akriso+ Sawiro:-Waqtigii la qaban lahaa doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed oo markii Afaraad dib loo dhigay. 01/12/2018 Agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya oo is casilay 05/08/2023 Dhageyso:-Warka fidnimo ee Idaacada Warsan 06/09/2018 Al-shabaab oo sheegtay qaraxii lala eegtay gaari uu lahaa Jen. Cali Gaab 20/05/2020 MADAXWEYNE FARMAAJO OO HAMBALYO U DIRAY DHAMMAAN SANATARRADA LOO DOORTAY AQALKA SARE 14/11/2021 MW Xasan Sheekh Oo Maanta Kulan La Qaatay Talisyada Ciidanka Booliska Farriina U Diray 06/08/2022 DHAGEYSO+AKHRIRO:-WARBIXIN KA HADLAYSA SOOYAALKA TAARIIKHDII HOGAAMINEED EE GUDOOMIYE PROF: MAXAMED SHEEKH CUSMAAN JAWAARI. 13/04/2018 Madaxweynaha Somaliland oo uu Ambabaxay dalka Jabuuti 21/02/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.