Doorashada Madaxtinnimada Kenya oo Maanta bilaabaneysa & Amniga oo la adkeeyay written by Warsan Radio 09/08/2022 Shacabka dalka Kenya ayaa la filayaa in Talaadada Manta ah ay u dareeraan goobaha codbixinta, iyada oo dalkani yahay mid si weyn ugu tiirsan farsamada casriga ah ee loo isticmaalo codaynta, hubinta codbixiyaha iyo weliba soo gudbinta natiijada doorashada madaxtinimada.Guddiga doorashada ee Kenya oo udub dhexaad u ah, qabsoomida doorashooyinka dalkaas, ayaa haatan isku dayaya inay nadiifiyaan sumcaddooda, ka dib markii maxkamadda sare ay baabi’isay natiijadii doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2017, sababo la xiriira wax is-daba marin.Guddiga doorashada ee Kenya ayaa xalay si kumeel gaar ah u hakiyay codeynta doorashada guddoomiyayaasha Ismaamulada Mombasa iyo Kakamega ee dalka Kenya.Guddiga doorashada ee Kenya ayaa sheegay in la qorsheeyey in codbixiyayaashu ay ka codeeyaan in ka badan 46,000 oo goobood oo ku kala yaalla guud ahaan dalkaas. Boya Molu oo ka mid ah guddoomiyayaasha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha ee loo soo gaabiyo IEBC ayaa sheegay in guddigoodu ay haatan si dhamaystiran ugu diyaargaroobeen qabashada doorashada.“Dhammaan shaqaalihii waa la tababaray, si sax ah ayaa loo fahamsiiyey isticmaalka farsamada casriga ah, si loo aqoonsado codbixiyayaasha, iyada oo loo marayo hannaanka farsamada casriga ah iyo sharciyadda doorashada … nidaamka doorashada lagu maamulayo waa la diyaariyey, waxaanna haatan u diyaar garownay in iridaha loo furo goobaha codbixinta, marka la gaadho 6-da subaxnimo” ayuu yidhi Boya Molu.Maalinimadii Axaddii, guddiga doroashada ayaa shaqada ka eryey afar sarkaal oo ka tirsan guddiga doorashada, oo lagu eedeeyey inay la kulmeen musharrax si ay gacan uga geystaan ku shubashada codbixinta goobaha galbeedka dalka Kenya. Doorashada Madaxtinnimada Kenya oo Maanta bilaabaneysa & Amniga oo la adkeeyay was last modified: August 9th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ka qeyb galaya shirka dhaqaalaha Soomaaliya & Uganda You may also like Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 14/12/2020 Dagaal hadda ka socda magaalada Buula-Burde ee Gobalka Hiiraan 03/09/2020 Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo goor dhow ka furmay Muqdisho 07/12/2020 Akhriso; Liiska Magacyada Guddiga Farsamada Doorashooyinka ee cabashada laga keenay 01/06/2021 Video:-Dowladda Soomaailya oo ku dhawaaqday in Qaraxii Zoobe ay ku dhinteen 358 ruux 20/10/2017 Mareykanka oo muddo kadib sheegtay in uu duqeyn la beegsaday Al-Shabaab 24/02/2022 RW Xamse Barre oo ka hadlay geerida ku timid Senator ka tirsaan Aqalka Sare 24/03/2024 Duqeyn khasaaro geysatay oo ka dhacday Jubbooyinka 21/01/2021 Sawiro:-Aadan Madoobe oo la shiray Bulshada KG ee kunool Puntland 06/11/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 18/07/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.