Doorashada Madaxtinnimada Kenya oo Maanta bilaabaneysa & Amniga oo la adkeeyay written by Warsan Radio 09/08/2022 Shacabka dalka Kenya ayaa la filayaa in Talaadada Manta ah ay u dareeraan goobaha codbixinta, iyada oo dalkani yahay mid si weyn ugu tiirsan farsamada casriga ah ee loo isticmaalo codaynta, hubinta codbixiyaha iyo weliba soo gudbinta natiijada doorashada madaxtinimada.Guddiga doorashada ee Kenya oo udub dhexaad u ah, qabsoomida doorashooyinka dalkaas, ayaa haatan isku dayaya inay nadiifiyaan sumcaddooda, ka dib markii maxkamadda sare ay baabi’isay natiijadii doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2017, sababo la xiriira wax is-daba marin.Guddiga doorashada ee Kenya ayaa xalay si kumeel gaar ah u hakiyay codeynta doorashada guddoomiyayaasha Ismaamulada Mombasa iyo Kakamega ee dalka Kenya.Guddiga doorashada ee Kenya ayaa sheegay in la qorsheeyey in codbixiyayaashu ay ka codeeyaan in ka badan 46,000 oo goobood oo ku kala yaalla guud ahaan dalkaas. Boya Molu oo ka mid ah guddoomiyayaasha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha ee loo soo gaabiyo IEBC ayaa sheegay in guddigoodu ay haatan si dhamaystiran ugu diyaargaroobeen qabashada doorashada.“Dhammaan shaqaalihii waa la tababaray, si sax ah ayaa loo fahamsiiyey isticmaalka farsamada casriga ah, si loo aqoonsado codbixiyayaasha, iyada oo loo marayo hannaanka farsamada casriga ah iyo sharciyadda doorashada … nidaamka doorashada lagu maamulayo waa la diyaariyey, waxaanna haatan u diyaar garownay in iridaha loo furo goobaha codbixinta, marka la gaadho 6-da subaxnimo” ayuu yidhi Boya Molu.Maalinimadii Axaddii, guddiga doroashada ayaa shaqada ka eryey afar sarkaal oo ka tirsan guddiga doorashada, oo lagu eedeeyey inay la kulmeen musharrax si ay gacan uga geystaan ku shubashada codbixinta goobaha galbeedka dalka Kenya. Doorashada Madaxtinnimada Kenya oo Maanta bilaabaneysa & Amniga oo la adkeeyay was last modified: August 9th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ka qeyb galaya shirka dhaqaalaha Soomaaliya & Uganda You may also like Akhriso:-Booliska Soomaaliya oo weerar, garaacis iyo qalab ka qaadis ugu geystay suxufiyiin magaalada Muqdisho 04/11/2019 Sacuudiga oo joojiyay in Sanadkaan ay xajiyaan dadka ku sugan meel ka baxsan Sacuudiga 23/06/2020 Qarax Miino oo Qasaaro kala duwan ka dhashay oo ka dhacay degaanka ceeldheere ee gobolka Baay 11/09/2022 Shirka maanta Ka Furmaya Tunis Ee Uu Ka Qeyb Galayo RW Xamse iyo wax looga hadlayo 27/08/2022 Guddiga ka hortagga Covid19 oo ka shiray xakameynta bulshada ee dabaal degga Maalmaha Ciidda 20/05/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 09/10/2023 Taliska Booliska Galmudug oo Amarro soo saaray 29/03/2022 Daawo: Trump oo loo qabtay 48-saac muuqaalna iska soo duubay 04/10/2020 DHAGEYSO: Warka Duhur Idaacada Warsan 12/04/2020 Howlgallo ka billaawday degaano katirsan Galmudug 07/01/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.