Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Guddigii uu Magacaabay written by Warsan Radio 10/08/2022 Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe ayaa hoygiisa Kulan kula qaatay Guddiga KMG ah ee Ka tala bixinta dhacdadii 07/08/2022 Ka dhacday xarunta Golaha Shacabka.Guddoomiyaha ayaa Guddiga Kula dardaarmay in ay kasoo tala bixiyaan fowdadii Golaha Ka dhacday kulankii 14aad ee Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka BJFS isagoo usheegay in ay warbixin dhameeystiran ka keenaan.Xubnaha Gudiga oo Maanta yeelanaya kulankoodii ugu horreeyay ayaa u balan qaaday Guddoomiyaha inay warbixin si deg deg ah warbixin uga keeni doonaan dhacdadii ka dhacday Xarunta Golaha intii ay socotay ansixintii Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.Guddoomiyaha Golaha Sacabka ayaa shalay Magacaabay Guddiga uu u xilsaaray duacdadii Golaha Shacabka,kuwaas oo ka kooban 5 Xubnood, balse waxaa ka cudur daartay in uu kamid noqdo Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa, hayeeshee Guddoomiyaha ayaa ku bedelay Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Abuukaate. Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Guddigii uu Magacaabay was last modified: August 10th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Dad ku dhintay Hilib Geel sumeysan oo ay cuneen You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Coronavirus iyo Saameynta uu ku yeeshey Barakacayaasha. 12/08/2020 Senator eedeyn u jeediyay Madaxweyne Farmaajo Baaqashada Kulankii Aqalka Sare 27/06/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 11/01/2022 MW Xasan Sheekh oo kala hadlay QM qorshaha xasilinta ee degaanada la xoreeyey 12/08/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 01/08/2021 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 23/09/2017 Axmed Qoorqoor oo u safray Jabuuti xilli uu muran ka jiro heshiiskii dhuusamareeb 3 02/09/2020 Dhageyso:- Warka Galab ee Idaacada Warsan 04/03/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 06/11/2021 Maleeshiyaad ku dagaalamay deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan oo la kala qaaday 12/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.