Baydhabo-{WMN}-Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada ayey Wasaarada Dhalinyarada iyo ciyaaraha KGS ku qabatey Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee KGS .
Agaasimayaasha Wasaaradaha Dhalinyarada iyo Shaqada iyo shaqaalaha KGS , Masuuliyiin ka socotey qaar ka mid ah Ururada Dhalinyarada ee ka dhisan Baydhabo iyo Marti sharaf kale ayaa ka soo qeybgaley xaflada Oo ka dhacdey hoolka weyn ee Hotel RP.
Dhamaan marti sharaftii ka soo qeybgashey Xuskaan ayaa si isku mid ah u sheegey ugana sheekeyey muhiimada ay leedahay maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada.
Ugu danbeyn Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha KGS Mudane Ore Osman Mohamed Oo soo xirey xaflada ayaa ka sheekeeyey Caqabadaha Dhalinyarada Soonaaliyeed horyaala iyo sida ugu haboon ee ay uga gudbi karaan.