Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan & faah faahin laga helayo written by Warsan Radio 14/08/2022 Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ku dhexmaray degaanka Xalfooleey oo hoostaga degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan maleeshiyaad katirsan Kooxda Macawiisleeyda iyo Xubno kamid ah Ururka al-Shabaab.Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay sida la sheegay kadib markii maleeshiyaadka macawiisleeyda ay weerareen degaanka Xalfooleey , waxaana dagaalka labada dhinac kasoo gaaray khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.Mid kamid ah horjoogayaasha macawiisleeyda ayaa sheegay in ay Al-Shabaab kala wareegeen degaanka, Isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen wallow aan weli la helin warar madax bannaan oo xaqiijinaya warkaas.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Xalfooleey oo hoostaga degmada Jalalaqsi ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degaan, balse markasta la filan karo inay dagaalamaan dhinacyada maleeshiyaadka Macawiisleeyda iyo Al-Shabaab. Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan & faah faahin laga helayo was last modified: August 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweynaha Puntland Oo Soo Saaray Amar Uu Ku Joojiyey Iibinta Buugaag Muhiim Ah next post Ninka weeraray Salmaan Rushdi oo la aqoonsaday You may also like Axmed Madoobe Oo Warbixin Ka Siiyay Golaha Wasiirada Jubbaland Isbedelkii Dhacay 16/06/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 15/07/2020 Dhageyso:-QEEBTA 1AAD IYO QEEBTA LABAAD WARBIXINTA MAALMAHA XORIYADDA SOOMAALIYEED 28/06/2018 Rooble Oo Guddiga Doorashooyinka Kala Hadlay Qorshaha Dhaarinta Xildhibaannada Labada Aqal 31/03/2022 Haweenka Pakistaan oo laga mamnuucay in ay aadaan dukaamada 08/06/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 22/02/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 02/12/2020 Beesha Caalamka oo war kasoo saartay doorashadii ka dhacday Soomaaliland. 08/06/2021 Taliyaha Ciidanka dhulka oo kormeeray dugsiga tababarka Ciidanka ee jeneraal Gorda 07/09/2021 Isku soo bax Roob doon ah oo lagu qabtay Beledweyne. 17/11/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.