Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil ka dhacay Magaalada Hargeysa written by Warsan Radio 14/08/2022 Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa geeriyooday halka shan kale ay ku dhaawacmeen kadib shil Gaari oo xalay ka dhacay Magaalada Hargeysa ee degaannada Somaliland.Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Gaari Booyad ah uu galay makhaayad ku taalla xaafada Siinay ee magaalada Hargeysa, waxaana dadka dhintay & kuwa dhaawacmay ay ahaayeen kuwa maqaayadda ku sugnaa.Ciidamo katirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa tegay halka shilka uu ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday dhaawacyada 5 qof, sidoo kalena xabsiga dhigay darawalkii Gaariga Booyada ah.Shilalka Gaari ayaa aad ugu badan degaannada Somaliland, kuwaas oo badi la sheegay in uu sabab u yihiin waddooyinka qaar oo aad u burbursan. Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil ka dhacay Magaalada Hargeysa was last modified: August 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ninka weeraray Salmaan Rushdi oo la aqoonsaday next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Akhriso:-Xukuumadda oo ansixisay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Axdiga Qaramada Midoobay.. 20/09/2018 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 23/07/2020 Mid ka mid ah Musharixiinta Puntland oo Shil ku Geeriyooday 19/12/2023 RW Kheyre oo kulamo ka wada Magaalada Dhuusamareeb 01/01/2020 Puntland oo Ciidamo kala dhex-dhigtay maleeshiyaad dagaalamay 12/06/2022 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 15/11/2023 Akhriso:-XARIIQDA BALAD-XAAWO & XOGTEEDA” 28/03/2018 Dhageyso:-Qeybta Lixaad (6aad) ee Barnamaamijka Bidhaamiye 14/07/2020 Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo diiwaan galisay kiisaskii ugu badnaa ee Covid-19 257 kiis iyo 15 dhimasho ah 20/02/2021 Dhageyso;- Warka Galab ee Idaacada Warsan 12/05/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.