Ninka weeraray Salmaan Rushdi oo la aqoonsaday written by Warsan Radio 14/08/2022 Booliska Mareykanka ayaa sheegay iney aqoonsadeen ninkii galbeedka Magaalada New York ku weerayay Salmaan Rushdi iyo nin masraxa kula sugnaa.Ninkan oo ay boolisku magaciisu ku sheegeen Haadi Matar oo 24 jir ah wuxuu ku dhashay magaalada California balse dhawaan ayuu u soo wareegay gobolka New Jersey.Halkii ugu dambeeyey uu Haadi dagganaana wuxuu ahaa Fairview oo ka tirsan xaafadda Bergen ee magaalada Jersey.Ciidamo ka tirsan FBI-da waxay gudaha u galeen guriga uu Haadi degganaa si ay baaritaan dheeraad ah ugu sameeyaan.Boolisku waxay intaa ku dareen leysan darawal oo been abuur ah inuu Haadi ka qatay gobolka New Jersey magaca ugu qoranna uu yahay Xasan Mughniyeh.Taliyaha Booliska New York Eugene Stanicowski wuxuu warbaahinta u sheegay sababta weerarkaasi ka dambeysay inaan weli la ogaan.Xubin ka mid ah baarayaasha kiiskan gacanta ku haya oo u warramay warbaahinta NBC wuxuu sheegay dib u eegis hordhac ah oo lagu sameyey cinwannada Haadi uu ku lahaa baraha bulshada in lagu ogaaday inuu ka mid yahay Shiicada mayalka adagoo ee u jajnjeerta ilaalada kacaanka Iiraan. Ninka weeraray Salmaan Rushdi oo la aqoonsaday was last modified: August 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan & faah faahin laga helayo next post Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil ka dhacay Magaalada Hargeysa You may also like Dhageyso:-Gadoomiyaha barlamanka soomalia ayaa waxaa uu kulan laqaatey gadoomiya ku xigeenka 08/07/2017 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 04/08/2021 Dhageyso: Gudoomayaha degmada beledweyne ayaa waxaa uu sheegay dhalinyarada looga bahay in ay 14/04/2017 Ra’iisul Wasaare Rooble Oo La Kulmay Agaasime Goboleedka UNFPA 21/11/2021 Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka COVID-19 Ah 24-Saac Ee Tagtay 07/06/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 31/05/2021 DHAGEYSO:-BARNAMIJKA KULANKA WARSAN 29/04/2018 Heerarkii uu soo maray shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhamaystirka Doorashooyinka Dalka 03/04/2021 Amnesty International Oo Ka Hadashay Qaraxyadii Al-Shabaab Ka Gaysteen Muqdisho 01/11/2022 Gantaalo lagu weeraray garoonka diyaaradaha magaalada Kabul 30/08/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.