Ninka weeraray Salmaan Rushdi oo la aqoonsaday written by Warsan Radio 14/08/2022 Booliska Mareykanka ayaa sheegay iney aqoonsadeen ninkii galbeedka Magaalada New York ku weerayay Salmaan Rushdi iyo nin masraxa kula sugnaa.Ninkan oo ay boolisku magaciisu ku sheegeen Haadi Matar oo 24 jir ah wuxuu ku dhashay magaalada California balse dhawaan ayuu u soo wareegay gobolka New Jersey.Halkii ugu dambeeyey uu Haadi dagganaana wuxuu ahaa Fairview oo ka tirsan xaafadda Bergen ee magaalada Jersey.Ciidamo ka tirsan FBI-da waxay gudaha u galeen guriga uu Haadi degganaa si ay baaritaan dheeraad ah ugu sameeyaan.Boolisku waxay intaa ku dareen leysan darawal oo been abuur ah inuu Haadi ka qatay gobolka New Jersey magaca ugu qoranna uu yahay Xasan Mughniyeh.Taliyaha Booliska New York Eugene Stanicowski wuxuu warbaahinta u sheegay sababta weerarkaasi ka dambeysay inaan weli la ogaan.Xubin ka mid ah baarayaasha kiiskan gacanta ku haya oo u warramay warbaahinta NBC wuxuu sheegay dib u eegis hordhac ah oo lagu sameyey cinwannada Haadi uu ku lahaa baraha bulshada in lagu ogaaday inuu ka mid yahay Shiicada mayalka adagoo ee u jajnjeerta ilaalada kacaanka Iiraan. Ninka weeraray Salmaan Rushdi oo la aqoonsaday was last modified: August 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan & faah faahin laga helayo next post Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil ka dhacay Magaalada Hargeysa You may also like Shir looga hadlayay dhismaha Wadada Jaziira oo Muqdisho lagu qabtay. 01/08/2021 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 05/02/2019 Taliyaha Ciidamada Xoogga General Odowaa oo gaaray degmada Buulo-Burte 11/07/2021 Madaxweynihii dalka Chad oo lagu dilay furinta hore ee dagaalka 20/04/2021 Barlamaanka oo muda kordhin u sameyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed. 20/04/2020 Guddida doorashada oo fasaxay laba kursi oo ka mida afar kursi oo ay hore u hakiyeen 14/04/2022 Madaxweyne Lafta-Gareen Oo Magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed 01/09/2020 Wararkii ugu dambeyay dagaalo iyo banaanbaxyo saakay ka dhacay Baledweyne 04/12/2020 Dagaal mar kale ka bilowday Itoobiya 02/08/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 23/06/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.