Ninka weeraray Salmaan Rushdi oo la aqoonsaday written by Warsan Radio 14/08/2022 Booliska Mareykanka ayaa sheegay iney aqoonsadeen ninkii galbeedka Magaalada New York ku weerayay Salmaan Rushdi iyo nin masraxa kula sugnaa.Ninkan oo ay boolisku magaciisu ku sheegeen Haadi Matar oo 24 jir ah wuxuu ku dhashay magaalada California balse dhawaan ayuu u soo wareegay gobolka New Jersey.Halkii ugu dambeeyey uu Haadi dagganaana wuxuu ahaa Fairview oo ka tirsan xaafadda Bergen ee magaalada Jersey.Ciidamo ka tirsan FBI-da waxay gudaha u galeen guriga uu Haadi degganaa si ay baaritaan dheeraad ah ugu sameeyaan.Boolisku waxay intaa ku dareen leysan darawal oo been abuur ah inuu Haadi ka qatay gobolka New Jersey magaca ugu qoranna uu yahay Xasan Mughniyeh.Taliyaha Booliska New York Eugene Stanicowski wuxuu warbaahinta u sheegay sababta weerarkaasi ka dambeysay inaan weli la ogaan.Xubin ka mid ah baarayaasha kiiskan gacanta ku haya oo u warramay warbaahinta NBC wuxuu sheegay dib u eegis hordhac ah oo lagu sameyey cinwannada Haadi uu ku lahaa baraha bulshada in lagu ogaaday inuu ka mid yahay Shiicada mayalka adagoo ee u jajnjeerta ilaalada kacaanka Iiraan. Ninka weeraray Salmaan Rushdi oo la aqoonsaday was last modified: August 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan & faah faahin laga helayo next post Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil ka dhacay Magaalada Hargeysa You may also like Akhriso:-Ammaanka Madaxtooyada magaalada Jigjiga oo laga wareejiyay ciidamada Liyuu Booliska 25/08/2018 Xisbiga Amni iyo Cadaalad oo War Ka Soo saaray Arintii Mudane Mukhtaar Roobow iyo Xaraashkii Shidaalka Somaliya 09/02/2019 Akhriso:-C/weli Gaas oo xil ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Nugaal 24/09/2018 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 04/07/2021 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 18/07/2020 Dowladda Somalia oo ka warbixisey xaaladihii u dambeeyey ee Coronavirus 17/04/2020 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 23/10/2023 Dhageyso:-Qeybta 6 aad Barnaamij looga hadlaayo Barashada Nafaqada Wanaagsan iyo Badqabka Cunada 22/01/2021 War-saxaafadeed 10/01/2018 Dhageyso:-Barnaamij looga hadlaayo Barashada Nafaqada Wanaagsan iyo Badqabka Cunada. 18/06/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.