Baydhabo-{WMN}-Guddoomiyaha guddiga doorashada ee Kenya ayaa Isniinta maanta ah ku dhawaaqay in madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi William Ruto u uku guuleystay doorashadii sida weyn loogu loollamay ee madaxtinimada, iyadoo dhowr xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada ay diideen natiijada doorashada.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada iyo Ilaalada Xuduudaha Wafula Chebukati ayaa sheegay in Ruto uu helay 7.18 milyan oo cod oo u dhiganta 50.49 boqolkiiba, iyadoo uu Odinga helay 6.94 milyan oo cod oo u dhiganta 48.85 boqolkiiba.
Dhinaca kale Afar ka mid ah toddobada xubnood ee Guddiga Doorashada Kenya ayaa Isniinta maanta ah in aysan aqqoonsaneyn natiijada doorashada madaxtinimo ee lagu dhawaaqay.
“Ma qaadan karno mas’uuliyadda natiijada lagu dhawaaqi doono,” ayay warbaahinta u sheegtay Guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC Juliana Cherera, waxayna hadashay ka hor intii aan si rasmi ah loogu dhawaaqin madaxweynaha dooran, William Ruto.
Waxa ay ku tilmaamtay habka loo maray mid uu “mugdi ku jiray” balse ma aysan faah faahin, iyadoo sheegtay in macluumaad dheeri ah ay dib ka soo sheegi doonaan.