Baydhabo-{WMN}-Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Maanta oo Isniin ah kala dirtey Golaha degaanka Degmada Berdaale ee Gobolka Baay oo mudo xileedkoodii dhamaadey Bishii Janaayo ee sanadkaan 2022 .
Kadib Kulan Maanta Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ay degmada bardaale kula yeesheen Golaha deaanka ayay ku wargeliyeen in la kala diray, isla markaana dhawaan golle degaan oo kale la sameyn doono.
Qoraal kazoo baxay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Xaaji Xasan oo la ogeysiiyay guddoomiyaha Gobolka Baay, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Odayaasha iyo Nabaddoonada degmada ayaa lagu sheegay in muddo xileedka golaha degaanka degmada Bardaale oo ahaa Afar sano uu dhamaaday, isla markaana la guda geli doono dib u doorashada golaha degaanka.
Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in Degmada ay si KMG ah u maamuli doonaan Golaha fulinta oo kala ah guddoomiyaha degmada, kuxigeenkiisa iyo Xoghayaha degmada, sidoo kalena Golaha degaanka degmada Bardaale lagu soo dhameystiri doono muddo bil gudahood ah.