Baydhabo-{WMN}-Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa Jiido hore ee Dagaalka ee Gobolka Hiiraan ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka lugta ee Xooga Dalka Soomaaliyeed Janeraal Maxamed Biixi Cabdi iyo Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidan Xooga Dalka Gen-Tawane Amed.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan aya saraakiisha uga mahad-celiyey xog-ogaalnimada iyo qorshaha joogtada ah ee ay lagarab taagnaayeen inta Howlgalka uu socday Taas oo guulo wanaagsan laga gaaray.
War kasoo baxay Maamulka Gobolka hiiraan ayaa lagu sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay Al-Shabaab lagala wareeygay degaano dhowr ah oo ka tirsan Degmooyinka Maxaas iyo matabaan ee Gobalka Hiiraan.
Taliyaha Ciidanka lugta ee Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku amaanay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan Dadaalka iyo Howlkarnimada uu sameeyey asigoo ku bogaadiyey guulaha wax tarka leh ee la gaaray.
Ugu Dambeyn Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa warbixin guud ka siiyey xaaladaha deeganada halka uu colka joogo iyo baahiyaha ka jiro deeganada laga saaray Al-shabaab.