Baydhabo-{WMN}- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta shirguddoomiyay kulankii ugu horreeyey ay yeeshaan guddiga heer Qaran ee gurmadka abaaraha, kaas oo ka dhacay Xafiiska Xukuumadda.
Shirka oo diiradda lagu saarayay gurmadka Abaaraha ayaa intii uu socday waxaa warbixinno looga dhageystay Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Bay’ada, iyaga oo soo bandhigay Wasaarad walba doorka ay ku leedahay arrimaha gurmadka abaaraha.
Xogahayaha guddiga gurmadka ahna Maareyaha Xarunta Qaran ee Hawlgalada Degdega ah (NEOC) ayaa sidoo kale soo bandhigay warbixin iyo xog faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda abaarta iyo tallooyin ku aaddan qaabka looga hortago abaaraha. Sida lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirka.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa faray in la dardargeliyo howlaha gurmadka Abaaraha, xilli abaarta ku dhufutay Soomaaliya ay aad usii baahday, iyada oo ay ku barakaceyn in ka baxan hal Milyan oo ruux kuwaas oo ku nool deegannada Abaartu saameysay.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xamse ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in gacan loo fidiyo dadka abaaruhu saameeyeen, intii kaalmo shisheeye la sugi lahaana ay muhiim tahay in Ummadda Soomaaliyeed ay dhex dooda is garab siiyaan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay ku dhawaaqay guddiga gurmadka Abaaraha oo uu hormuud ka yahay, waxaa qeyb ka ah qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada,Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha, Culimada Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Ururada bulshada Rayidka.