Baydhabo-{WMN}-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Isaaq Cabdi oo wado Safar u kuuragelida xaaladda Amni ee Degmooyinka Koonfur Galbeed ayaa Saaka u socdaalay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Ujeedka socdaalka Wafdiga Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed & Wafdiga uu Hogaaminayo ayaa ah Diiwan gelinta Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, Xoojinta ka shaqaynta Amniga Degmada iyo u diyaar garowga howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab.
Safarka Wasiirka Waxaa ku wehlinayo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada,Gudoomiyaha Gobolka Baay iyo Taliyaha Ciidanka Darawiishta Koonfur Galbeed.
Dhawaan sidaan oo kale wafdiga waxaa ay tageen degmada Bardaale ee Gobolka Baay, iyaga oo halkaasi ku diiwaangeliyay Ciidamada Daraawiishta ee ku sugan degmadaas.