Dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud & khasaaro ka dhashay written by Warsan Radio 18/08/2022 Wararka naga soo gaaraya degaanka Gaalyeel oo hoostaga degmada Ballanballe ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal dhexmaray laba maleeshiyo beeleed, kaas oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa isku heysta dhul kuyaalla degaanka Gaalyeel, waxaana dagaalka inta la xaqiijiyay ku dhintay laba Ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka oo soo bilaawday shalay gelinkii dambe uu soo gaaray xalay xilli dambe , Isla markaana weli degaanka laga maqlayo rasaas goos goos.Dhinaca kale waxaa xiisad dagaal ay ka tagan tahay degaanka Baalle oo u dhow degaanka dhagax-dheer, halkaas oo shalay ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.Madaxda Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday degaano katirsan Gobolka Galgaduud. Dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud & khasaaro ka dhashay was last modified: August 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Sidee lagu soo qabtay Ninka loo heysto dilka Hibo Qaasim? next post Dhageyso:- Barnaamijka Arimaha Caalamka You may also like Aqriso:Madaxweynaha JSL Oo Daah-furay Mashruuca Lagu Hirgelinayo Aagga Cashuuraha Ka Caagan ee Dekedda Berbera (Berbera Economic Free Zone) 10/12/2019 Dhageyso;- Warka Fiidnnimo ee Idaacada Warsan 20/09/2022 Qarax lagu laayay Dad Shacab ah oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose 09/08/2023 Akhriso:- Madaxweyne Waare oo ka hadlay dagaalo kadhacay deegaano ka mid ah Hirshabelle 20/01/2019 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 28/02/2021 Dhageyso:-Soomaalida Mareykanka Oo Deeq Soo Gaarsiiyey Ehelada Dadkii Ku Geeriyooday Qarixii Zoobe 09/12/2017 Dowladda Koofur Afrika oo dalkeedka ka ceyrineyso diblumaasiyiin u dhashay Malawi 12/06/2021 Kenya oo qabatay rag ku eedeysan Al-Shabaabnimo oo dhawaan ka baxsaday 18/11/2021 Dhageyso: Barnaamijka Dhalanyarada Idaacada Warsan 21/08/2023 Dhageyso;- Warka Galabnnimo ee Idaacada Warsan 14/09/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.