Dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud & khasaaro ka dhashay written by Warsan Radio 18/08/2022 Wararka naga soo gaaraya degaanka Gaalyeel oo hoostaga degmada Ballanballe ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal dhexmaray laba maleeshiyo beeleed, kaas oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa isku heysta dhul kuyaalla degaanka Gaalyeel, waxaana dagaalka inta la xaqiijiyay ku dhintay laba Ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka oo soo bilaawday shalay gelinkii dambe uu soo gaaray xalay xilli dambe , Isla markaana weli degaanka laga maqlayo rasaas goos goos.Dhinaca kale waxaa xiisad dagaal ay ka tagan tahay degaanka Baalle oo u dhow degaanka dhagax-dheer, halkaas oo shalay ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.Madaxda Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday degaano katirsan Gobolka Galgaduud. Dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud & khasaaro ka dhashay was last modified: August 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Sidee lagu soo qabtay Ninka loo heysto dilka Hibo Qaasim? next post Dhageyso:- Barnaamijka Arimaha Caalamka You may also like Guddoomiye Jeyte oo ka hadlay dilalkii ka dhacay Beledweyne farriin hanjabaad ahna diray 31/05/2022 MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BAYDHABO U TAGAY XAQIIJINTA KOONFUR-GALBEED HESHIIS AH 16/01/2023 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 12/09/2022 Bulshada Degmada Xudur oo Ka Cabanaya Saameynta Xagga Nolosha ah uu Ku Yeeshay Cudurka COVID-19 20/05/2020 Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed oo safar deg deg ah ku tegaya Dalka Itoobiya 05/08/2022 Faafaahin Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Baydhabo 22/10/2020 Guddoonka Golaha Shacabka & Madasha Xisbiyada Qaran oo markale kulmay 08/07/2020 Daawo Video: Carruur Derbi Jiif Ah Oo Deeq Dhar Ah Loo Qeybiyay 04/12/2019 Banaanbaxyo Maanta ka dhacaya degaano ka tirsan Hir-Shabeelle 21/10/2020 Maraykanka iyo UK oo ka digay khatar ka soo fool leh” Shiinaha 07/07/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.