Sidee lagu soo qabtay Ninka loo heysto dilka Hibo Qaasim? written by Warsan Radio 18/08/2022 Taliska qeybta Galbeed ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan nin Habeen ka or degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada muqdisho ku dilay Gabar kamid aheyd Ardayda sanadkaan ku baasay imtixaankii ay qaaday dowladda, taas oo lagu magacaabi jiray Hibo Qaasim Maxamed.Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganeey ayaa sheegay in dabagal dheer oo ay sameeyeen ciidamada Booliska oo kaashanaya Maamulka degaanka Ceelasha Biyaha ay kusoo qabteen Ninka dilka geystay oo lagu Magacabo Jeylaani Aadan Abaadir.Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in jeylaani uu Gabadha dilkeeda u adeegsaday tooreey, isaga oo ka qaadanayay Mobile ay wadatay, isla markaana dhaawac uu u geystay ay ugu geeriyootay Isbitaal la geeyay.Ugu dambeyn Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganeey wuxuu sheegay in ninkaasi baartan kale oo dheeraad ah lagu sameyn doono, isla markaana ay u gudbinayaan Hay’adaha garsoorka dalka si sharciga lo horgeeyo.Shacabka Soomaaliyeed iyo Waalidiinta Hibo Qaasim ayaa aad uga naxay dilka degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada muqdisho loogu geystay Gabadha oo aheyd Ardayad da’yar oo sanadkan ka qalin jebineysay dugsiga Sare kana qeyb gashay imtixaankii ay qaadeysay dowladda Soomaaliya. Sidee lagu soo qabtay Ninka loo heysto dilka Hibo Qaasim? was last modified: August 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud & khasaaro ka dhashay You may also like Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 29/04/2021 Turkiga oo badbaadiyey Tahriibayaal 19/07/2021 Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ku wajahan magaalada Beledweyne & Amniga oo la adkeeyay 22/08/2022 Wasiir Wasaarada Caafimaadka oo saxiixday Siyaasadda Tallaalka Qaranka 14/07/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 22/11/2020 Afti Tirada Baarlamaanka Talyaaniga Lagu Yareyn Doono Oo Ka Qabsoontay Dalkaas 22/09/2020 1,643 ruux oo Soomaaliya lagu 2018 Wasiiro Gaaraya 20 ayaana la bedelay+shaqsiyaad la awood dhaqaaalle 01/01/2019 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 17/03/2022 Dowladaha Itoobiyo iyo Masar oo heshiis horudhac ah ka gaaray Muranka Wabiga Nile 27/06/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 14/02/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.