Sidee lagu soo qabtay Ninka loo heysto dilka Hibo Qaasim? written by Warsan Radio 18/08/2022 Taliska qeybta Galbeed ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan nin Habeen ka or degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada muqdisho ku dilay Gabar kamid aheyd Ardayda sanadkaan ku baasay imtixaankii ay qaaday dowladda, taas oo lagu magacaabi jiray Hibo Qaasim Maxamed.Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganeey ayaa sheegay in dabagal dheer oo ay sameeyeen ciidamada Booliska oo kaashanaya Maamulka degaanka Ceelasha Biyaha ay kusoo qabteen Ninka dilka geystay oo lagu Magacabo Jeylaani Aadan Abaadir.Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in jeylaani uu Gabadha dilkeeda u adeegsaday tooreey, isaga oo ka qaadanayay Mobile ay wadatay, isla markaana dhaawac uu u geystay ay ugu geeriyootay Isbitaal la geeyay.Ugu dambeyn Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganeey wuxuu sheegay in ninkaasi baartan kale oo dheeraad ah lagu sameyn doono, isla markaana ay u gudbinayaan Hay’adaha garsoorka dalka si sharciga lo horgeeyo.Shacabka Soomaaliyeed iyo Waalidiinta Hibo Qaasim ayaa aad uga naxay dilka degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada muqdisho loogu geystay Gabadha oo aheyd Ardayad da’yar oo sanadkan ka qalin jebineysay dugsiga Sare kana qeyb gashay imtixaankii ay qaadeysay dowladda Soomaaliya. Sidee lagu soo qabtay Ninka loo heysto dilka Hibo Qaasim? was last modified: August 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud & khasaaro ka dhashay You may also like DHAGAYSO:warka subaxnimo ee idaacada warsan 27/12/2023 DHAGEEYSO:-DAAWO SAWIRADA:-Kulan Bulsho guud oo Maanta ka dhacay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 26/11/2016 Beesha Caalamka Oo Baaq U Dirtay Madaxda DFS Iyo Maamul Goboleedyada 29/11/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 22/02/2024 Hirshabeelle oo maanta qaban doonta doorashada Saddex kursi 30/04/2022 video 500 Oo Qoos oo ka kala Yimid kakamka Magalada baydhabo Aya maanata loo Qeebiyey Rashin isgu Jira Bur Bariis Sonkor iyo Timir 11/03/2017 RW Xamsa & Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan gaar ah yeeshay 28/06/2022 Maamulka Galmudug oo faahfaahin kabixiyeeb kulankii dhexmaray Xubnaha Beesha Caalamka iyo Qoor Qoor 10/09/2020 Saad al-Jabri: Waa kuma ninkan xukunka ka tuuri kara Maxamed Bin Salmaan? 23/08/2020 Akhriso : Soomaaliland oo Diiwaan Gelisay Kiisas Coronavirus Ah 31/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.