Sidee lagu soo qabtay Ninka loo heysto dilka Hibo Qaasim? written by Warsan Radio 18/08/2022 Taliska qeybta Galbeed ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan nin Habeen ka or degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada muqdisho ku dilay Gabar kamid aheyd Ardayda sanadkaan ku baasay imtixaankii ay qaaday dowladda, taas oo lagu magacaabi jiray Hibo Qaasim Maxamed.Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganeey ayaa sheegay in dabagal dheer oo ay sameeyeen ciidamada Booliska oo kaashanaya Maamulka degaanka Ceelasha Biyaha ay kusoo qabteen Ninka dilka geystay oo lagu Magacabo Jeylaani Aadan Abaadir.Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in jeylaani uu Gabadha dilkeeda u adeegsaday tooreey, isaga oo ka qaadanayay Mobile ay wadatay, isla markaana dhaawac uu u geystay ay ugu geeriyootay Isbitaal la geeyay.Ugu dambeyn Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganeey wuxuu sheegay in ninkaasi baartan kale oo dheeraad ah lagu sameyn doono, isla markaana ay u gudbinayaan Hay’adaha garsoorka dalka si sharciga lo horgeeyo.Shacabka Soomaaliyeed iyo Waalidiinta Hibo Qaasim ayaa aad uga naxay dilka degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada muqdisho loogu geystay Gabadha oo aheyd Ardayad da’yar oo sanadkan ka qalin jebineysay dugsiga Sare kana qeyb gashay imtixaankii ay qaadeysay dowladda Soomaaliya. Sidee lagu soo qabtay Ninka loo heysto dilka Hibo Qaasim? was last modified: August 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud & khasaaro ka dhashay You may also like Wasiirkii Caafimaadka Hirshabelle oo ku dhintay qaraxyadii Beledweyne 03/10/2022 Dhageyso: Warka Duhurnimo ee Idaacada Warsan 14/02/2023 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 04/03/2020 Hadal ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha UK oo cara xoogan ka dhex abuuray Midowga Yurub 20/03/2022 Ra’iisul Wasaare Xamse oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho 09/09/2023 Dhageyso:-Feysal Cali Waraabe oo Cambaareeyay Xariga Muqtaar Roobow Kuna Baaqay Nabada 15/12/2018 Xukunka Ra’iisulsuwasaaraha Israel oo qarka u saaran mid dhammaad ah 31/05/2021 Video Wefdigan uu hogaaminaayey taliayaha booliska ciidanka Amisom ee somaaliya Jeneral bille oo Baydhabo soo gaarey 13/06/2017 In ka badan 1,300 oo qof oo lagu xidhay Dalka Ruushka, ka dib mudaharaado ka dhacay dalkaas 22/09/2022 Dhageyso:-Dood ku saabsan Kor u qaadista ka qayb galka Barakacayaasha ee go’aan ka gaarista arimaha Cadaaladda.+Sawiro 28/09/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.