Sidee lagu soo qabtay Ninka loo heysto dilka Hibo Qaasim? written by Warsan Radio 18/08/2022 Taliska qeybta Galbeed ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan nin Habeen ka or degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada muqdisho ku dilay Gabar kamid aheyd Ardayda sanadkaan ku baasay imtixaankii ay qaaday dowladda, taas oo lagu magacaabi jiray Hibo Qaasim Maxamed.Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganeey ayaa sheegay in dabagal dheer oo ay sameeyeen ciidamada Booliska oo kaashanaya Maamulka degaanka Ceelasha Biyaha ay kusoo qabteen Ninka dilka geystay oo lagu Magacabo Jeylaani Aadan Abaadir.Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in jeylaani uu Gabadha dilkeeda u adeegsaday tooreey, isaga oo ka qaadanayay Mobile ay wadatay, isla markaana dhaawac uu u geystay ay ugu geeriyootay Isbitaal la geeyay.Ugu dambeyn Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganeey wuxuu sheegay in ninkaasi baartan kale oo dheeraad ah lagu sameyn doono, isla markaana ay u gudbinayaan Hay’adaha garsoorka dalka si sharciga lo horgeeyo.Shacabka Soomaaliyeed iyo Waalidiinta Hibo Qaasim ayaa aad uga naxay dilka degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada muqdisho loogu geystay Gabadha oo aheyd Ardayad da’yar oo sanadkan ka qalin jebineysay dugsiga Sare kana qeyb gashay imtixaankii ay qaadeysay dowladda Soomaaliya. Sidee lagu soo qabtay Ninka loo heysto dilka Hibo Qaasim? was last modified: August 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud & khasaaro ka dhashay You may also like Madaxweyne lafta gareen oo sheegay inay isku furi doonaan wadada isku xirta muqdisho iyo baydhabo 04/06/2020 Sawiro: Tababarka ka jawaabida Maamul ee u qareemida ka qeybgalka Dumarka maanta Lagu Soo Xiray 09/12/2019 DHAGEYSO:-Warka Subax ee Radio Warsan 05-03-2020 05/03/2020 Shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey oo Qasa lagu dilay 24/10/2023 Askarigii Mareykanka ku dilay ninka madow oo markii ugu horeesay Maxkamad kasoo muuqday. 09/06/2020 Jabuuti: Dadka uu ka dhacay Coronavirus oo 400 kor u dhaaftay 16/04/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 25/09/2021 Donald Trump oo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa madaxweynaha Mareykanka 16/11/2022 Cumar C/rashiid oo ka hadlay sida uu arko doodda ka taagan magacaabis la’aanta ra’iisul wsaaraha 16/09/2020 Maamul Cusub oo loo magacaabay degmada Bardaale ee gobolka Baay 26/12/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.