Sidee lagu soo qabtay Ninka loo heysto dilka Hibo Qaasim? written by Warsan Radio 18/08/2022 Taliska qeybta Galbeed ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan nin Habeen ka or degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada muqdisho ku dilay Gabar kamid aheyd Ardayda sanadkaan ku baasay imtixaankii ay qaaday dowladda, taas oo lagu magacaabi jiray Hibo Qaasim Maxamed.Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganeey ayaa sheegay in dabagal dheer oo ay sameeyeen ciidamada Booliska oo kaashanaya Maamulka degaanka Ceelasha Biyaha ay kusoo qabteen Ninka dilka geystay oo lagu Magacabo Jeylaani Aadan Abaadir.Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in jeylaani uu Gabadha dilkeeda u adeegsaday tooreey, isaga oo ka qaadanayay Mobile ay wadatay, isla markaana dhaawac uu u geystay ay ugu geeriyootay Isbitaal la geeyay.Ugu dambeyn Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganeey wuxuu sheegay in ninkaasi baartan kale oo dheeraad ah lagu sameyn doono, isla markaana ay u gudbinayaan Hay’adaha garsoorka dalka si sharciga lo horgeeyo.Shacabka Soomaaliyeed iyo Waalidiinta Hibo Qaasim ayaa aad uga naxay dilka degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada muqdisho loogu geystay Gabadha oo aheyd Ardayad da’yar oo sanadkan ka qalin jebineysay dugsiga Sare kana qeyb gashay imtixaankii ay qaadeysay dowladda Soomaaliya. Sidee lagu soo qabtay Ninka loo heysto dilka Hibo Qaasim? was last modified: August 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud & khasaaro ka dhashay You may also like DHAGEYSO ATHIINY MO’OSHIITHY QEYBTII 13 AAD OO KI TIRSANGH QEYBTII 4AAD MAREGHDII TARASH 04/03/2017 Madaxweynaha Jabuuti oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Salaad Cali Jeelle 22/12/2020 Dhageyso: Warka Subaxnimo ee Idaacada Warsan 02/02/2023 Dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo dib loo bilaabay 19/07/2020 Wiil Soomaali ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay dalka Canada 05/04/2021 Dhageyso;- Barnaamijka Arimaha Caalamka 05/05/2022 Madaxweynaha Hir-Shabeelle & Guddoomiye Cali jeyte oo degaano kale booqday 11/12/2022 Akhriso:-Donald Trump oo lagu eedeeyay in ereyo ay cunsurinimo ku jirto ku weeraray 4 dumar ah oo ka tirsan Congresska Maraykanka. 15/07/2019 Dhageyso:- Trtanka Caawa oo ah Habeenkii 10 naad oo ay Tartamaan Xaafadaha Baydhabo Caawa waxaa Nasiib Uyeeshay iney Ka qeeb Qaataan Xaafadaha kala ah Howlwadaag {A} Bardale {B}Caawa waxaa 26-5-2018 27/05/2018 Madaxweyne lafta gareen oo sheegay inay isku furi doonaan wadada isku xirta muqdisho iyo baydhabo 04/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.