Dowladda Soomaaliya oo QM & Dowladda UK kala hadashay gurmadka Abaaraha written by Warsan Radio 19/08/2022 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, Safiiradda Boqortooyada Midowday (UK) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Kate Foster OBE, oo booqasho sharafeed ugu timid.Safiiradda Britain ayaa ugu hambalyaysay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda xilka loo magacaabay, iyada oo u rajaysay inuu ku guulaysto howlaha loo igmaday, waxa ayna ku nuux-nuuxsatay kaalinta UK ee ah saaxiib, isbahaysi, garab iyo taageere ee dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa waxaa la iskula eegay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo UK iyo siyaabaha lagu xoojin karo, laguna horumarin karo dhinac waliba oo ay ku jirto dano wadaagga.Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac, ayaa la kulmay Kuxigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ahna Sarkaalka mas’uulka ka ah howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho, waxa uu kala hadlay barnaamijyada Qaramada Midoobey ee horumarinta , dowlad dhiska iyo dadaallada bani’aadannimada.Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin fududeynta gurmadka aadannimo ee la gaarsiinayo dadka tabaalaysan, sidoo kale waxaa la isla fallanqeeyay horumarka xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni.Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad ugu dadaalayso sidii gargaarka ay u gaarsiin lahayd dadka u baahan ee ku nool deegaannada ay abaaruhu saameeyeen, isagoo ku baaqay in la dardargeliyo kaalmooyinka bani’aadannimo ee caalamiga ah iyo barnaamijyada horumarinta ee lagu taageerayo ujeeddooyinka mudnaanta koowaad u leh dowladda. Dowladda Soomaaliya oo QM & Dowladda UK kala hadashay gurmadka Abaaraha was last modified: August 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan next post laamaha Amniga Galmudug oo gacanta ku dhigay qaraxyo & dadkii waday You may also like Dhageyso:-Ciidamda Booliska Garka ah Kgs aya Howlagalo Ay ka wadan Xafadaha Degmada Buur Hakaba Ee Gobolka Bay 24/01/2017 Dhageyso:-Wareysi wiil oo dhalinyara ah u tahriibey Maraykanka Balse dib loogu soo celiyey 29/06/2017 Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo soo gaaray Muqdisho 27/07/2020 Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo laamigii ugu horeeyey la saaray (Sawirro) 04/08/2020 Akhriso:-Madaxweynaha dalka Raashiya,oo soo saaray 2 Wareegto uu ku soo magacaabay Danjire ee Raashiya wakiilka uga noqon doona dalalka Somalia iyo Jabuuti 25/04/2019 Dhageyso;- Warka Galab ee Idaacada Warsan 04/02/2022 Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka oo ka qayb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka. 15/10/2022 DHAGEYSO:WARKA HABEEN IDAACADA WARSANRADIO 23-10-2016 29/10/2016 Maamulka Jubbaland oo shaacisay qodobadii ay isku fahmi waayeen ROOBLE 12/07/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 12/03/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.