Dowladda Soomaaliya oo QM & Dowladda UK kala hadashay gurmadka Abaaraha written by Warsan Radio 19/08/2022 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, Safiiradda Boqortooyada Midowday (UK) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Kate Foster OBE, oo booqasho sharafeed ugu timid.Safiiradda Britain ayaa ugu hambalyaysay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda xilka loo magacaabay, iyada oo u rajaysay inuu ku guulaysto howlaha loo igmaday, waxa ayna ku nuux-nuuxsatay kaalinta UK ee ah saaxiib, isbahaysi, garab iyo taageere ee dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa waxaa la iskula eegay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo UK iyo siyaabaha lagu xoojin karo, laguna horumarin karo dhinac waliba oo ay ku jirto dano wadaagga.Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac, ayaa la kulmay Kuxigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ahna Sarkaalka mas’uulka ka ah howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho, waxa uu kala hadlay barnaamijyada Qaramada Midoobey ee horumarinta , dowlad dhiska iyo dadaallada bani’aadannimada.Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin fududeynta gurmadka aadannimo ee la gaarsiinayo dadka tabaalaysan, sidoo kale waxaa la isla fallanqeeyay horumarka xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni.Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad ugu dadaalayso sidii gargaarka ay u gaarsiin lahayd dadka u baahan ee ku nool deegaannada ay abaaruhu saameeyeen, isagoo ku baaqay in la dardargeliyo kaalmooyinka bani’aadannimo ee caalamiga ah iyo barnaamijyada horumarinta ee lagu taageerayo ujeeddooyinka mudnaanta koowaad u leh dowladda. Dowladda Soomaaliya oo QM & Dowladda UK kala hadashay gurmadka Abaaraha was last modified: August 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan next post laamaha Amniga Galmudug oo gacanta ku dhigay qaraxyo & dadkii waday You may also like DHAGEYSO:-WARKA HAEN EE IDAACADA WARSAN WAXAA CAAWA IDIN SOO GAARSIINAYSA SHUKRI BIDHAAN DHAGEEYSI FIICAN 15/12/2016 Barlamaanka Soomaaliya oo wasaaradda amniga faray inay faahfaahin lagu qanci karo ka keento kufsiyada Muqdisho ka dhacay 15/09/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 26/11/2023 Madaxweynaha Lubnaan oo ku baaqay in dalkiisa qaato Nidaamka Calmaaniyadda !! 31/08/2020 Dhageyso:- Trtanka Caawa oo ah Habeenkii 9 laad oo ay Nasiib Uyeeshay iney Ka qeeb Qaataan Xaafadaha kala ah Wadajir {A} Towfiq {B} WAA TARTAN XIISO LEH 25-5-2018 26/05/2018 DHAGEYSO: GUDOOMIYAHA DHALINYARADA BAYDHABO OO KA WARBIXIYEY QAAB DHISMEDKA GOLAHA DHALINYARADA BAYDHABO 23/04/2018 Hay’adda Hormuud Foundation oo deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Isbitaal Martiini (Sawirro) 28/04/2020 Turkiga oo Yurub u fasaxay qaxootigii uu haayey 28/02/2020 Kulan looga hadlaayey kor u qaadista ganacsiyada yar-yar oo Baydhabo lagu qabtey. 22/06/2022 Kenya oo Saraakiil u xirtay rag loo heystay Al-Shabaabnimo oo xabsi ka baxsaday 17/11/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.