Dowladda Soomaaliya oo QM & Dowladda UK kala hadashay gurmadka Abaaraha written by Warsan Radio 19/08/2022 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, Safiiradda Boqortooyada Midowday (UK) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Kate Foster OBE, oo booqasho sharafeed ugu timid.Safiiradda Britain ayaa ugu hambalyaysay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda xilka loo magacaabay, iyada oo u rajaysay inuu ku guulaysto howlaha loo igmaday, waxa ayna ku nuux-nuuxsatay kaalinta UK ee ah saaxiib, isbahaysi, garab iyo taageere ee dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa waxaa la iskula eegay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo UK iyo siyaabaha lagu xoojin karo, laguna horumarin karo dhinac waliba oo ay ku jirto dano wadaagga.Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac, ayaa la kulmay Kuxigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ahna Sarkaalka mas’uulka ka ah howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho, waxa uu kala hadlay barnaamijyada Qaramada Midoobey ee horumarinta , dowlad dhiska iyo dadaallada bani’aadannimada.Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin fududeynta gurmadka aadannimo ee la gaarsiinayo dadka tabaalaysan, sidoo kale waxaa la isla fallanqeeyay horumarka xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni.Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad ugu dadaalayso sidii gargaarka ay u gaarsiin lahayd dadka u baahan ee ku nool deegaannada ay abaaruhu saameeyeen, isagoo ku baaqay in la dardargeliyo kaalmooyinka bani’aadannimo ee caalamiga ah iyo barnaamijyada horumarinta ee lagu taageerayo ujeeddooyinka mudnaanta koowaad u leh dowladda. Dowladda Soomaaliya oo QM & Dowladda UK kala hadashay gurmadka Abaaraha was last modified: August 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan next post laamaha Amniga Galmudug oo gacanta ku dhigay qaraxyo & dadkii waday You may also like Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Daah Furay Musawac Lagu Hago Maraakiibta Kusoo Hiranaya Dekadda Muqdisho 16/08/2020 Dhageyso Warbixiintii Muqtar Sheekh Aadan Dalmar SANAD GUURADII 18 TAARIIKHDII HALGAMAYAASHII RRA IYO HORUMARINTA BULSHADA KGS . 07/06/2017 MOGADISHU, Somalia, Thursday, 04 May 2023 – The Somali Media Association (SOMA) has concluded a well-planned symposium event marking the World Press Freedom Day – 3 May 04/05/2023 Madaxweyne Saciid Deni oo magacaabay Wasiir ku-xigeen Cusub 19/10/2023 Maamulka Gobolka Bay Oo Mamnuucay Qodista Waddooyinka Iyo Dhismaha Guryaha 10/05/2017 Farmaajo Oo Soo Dhaweeyay La Wareegida Mas’uuliyada Hay’adaha FSNAU Iyo SWALIM. 21/09/2021 Ciidanka Dowladda oo Kaabiga ku haya Ceelbuur iyo Galmudud oo war soo saartay 23/08/2023 Deegaannada Puntland laga xusayaa sanad-guuradii 22-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii maamulka, oo ku asteysan 1-da Agoosto. 01/08/2020 Qoysas ay soo barakiciyeen Shabaab oo gaaray Degmada Waajid 02/11/2021 Dhageyso:-Dood ku saabsan saameynta uu ku yeeshey Covid 19 Daraawalada Baabuurta loo yaqaano Dhaweeyada. 26/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.