Baydhabo-{WMN}-Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Bukhaari ayaa sheegay in dadka kunool degaannada Gobolka dhibaatada heysta ee ugu weyn ay tahay isku qabsiga dhulalka.
Guddoomiyaha oo ka qeyb galayay kunaasabad ka dhacday degaanka Dowgaab Aya sheegay in mar walba la arko dad ku howlana jurists dhirta, isaga oo sheegay inay dadkaasi u aqoonsan yihiin inay yihiin Al-Shabaab labaad.
“Dadka Jaraya Dhirta waxay noola Mid yihiin Al-shabaab, waxaana u aqoonsanahay Al-shabaabka labaad, isku sina waan ula dagaalamaynaa” ayuu yiri Guddoomiyaha.
Wuxuu u mahad celiyay dadka degaannada qaar oo uu sheegay inay ka hortageen in degaannadooda dhirta laga Jaro, isaga oo sicad I sheegay inay la dagaalami doonin dadka ku howlana dharista dhirta.
Maamulada kajira dalka ayaa dhowr mar gacanta ku dhigay dad ku howlanaa jurists dhirta si ay dhuxul uga sameeyaan balse aan weli la arkin dadkaas oo Maxkamad la soo taagay.